Fiorentina oo afka ciidda u dartay Liverpool.(Daawo sawirada)
Posted at: 9/30/2009
Kooxda Fiorentina ee dalkaasi Talyaaniga ayaa afka ciidda u dartay kooxda Liverpool ee dalka boqortooyada Ingiriiska ka dib markii ay isaga horyimaadeen ciyaar ku tirsanayd tartanka koobka horyaalada qaaradda Yurub ee Champions league.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiisa badnayd ayna daawashadeeda ka qaybgaleen dadweyne aad u fara badan oo u badnaa taageerayaasha labada kooxood ayaa waxa ay ku bilaabay weerar iyo weerar celis.

Qaybtii hore ee ciyaartaasi waxaa ku gacan saraysay kooxda Talyaaniga ee Fiorentina waxana daqiiqadii 28aad u suura gashay in ay gool kaga hormarto Liverpool, kaas oo uu shabaqa la helay ciyaaryahanka lagu magacaabo Jovetic.

Daqiiqadii 37aad ee isla ciyaarta qaybteedii hore ayaa mar kale laacibka Jovetic kooxdiisa gool labaad u dhaliyey, waxana lagu kala nastay qaybii hore ee ciyaartaasi 2 gool iyo waxba.

Markii ciyaarta qaybteedii dambe laysugu soo laabtay Liverpool waxa ay aad ugu dadaashay in ay goolasha lagu leeyahay iska guddo, waxana weeraro aan kala go' lahayn ay ku qaaday goolkii kooxda Fiorentina, waxana ay iska qasaarisay fursado badan oo goolal laga fishay.

Laakiin dadaalkaasi Liverpool waxba uma soo kordhin oo waa laga badiyey, waxana waqtigii loogu talagalay ciyaartaasi ay ku soo gebagebowday Fiorentina 2-0 Liverpool.

Stevan Jovetic slots the ball past Pepe Reina

Fiorentina's players celebrate

Liverpool's players try to respond

Liverpool skipper Steven Gerrard attempts to launch an attack

 

Max'ed Xasan Afrax (jala)
info@somalikudhan.com

 

 

Somalikudhan Sports news
info@somalikudhan.com

 

 

 



User Comments

Post Your Comments
All comments are from visitors, not from Somalikudhan.com

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)

Warar Kale
Maqaallada
Arimaha Diinta
Ganacsiga
Cayaaraha
Caafimaadka
Copyright (c) 2009 - Somalikudhan.com