Arsenal oo 2-0 ku sagaatisay Olympiakos.
Posted at: 9/30/2009 12:27:00
Kooxda Arsenal ayaa 2 gool iyo waxba ku sagootisay kooxda Olympiakos ee dalkaasi Ruushka oo ay ku kulmeen ciyaar ka tirsanayd tartanka horyaalka kooxha Yurub ee Champions league.

Ciyaarta dhex martay labada kooxood waxa ay ahayd mid aad u adag oo kooxiba ay kooxda kale mariwaday waxana ciyaaryahanada labada kooxoodba ay aad ugu dadaalayeen in wax goolal ah aysan kooxda kale kaga hormarin, waxana qaybtii hore ee ciyaartaasi lagu kala nastay 0-0.

Markii ciyaarta qaybteedii dabe laysugu soo laabta ee la soo gaaray daqiiqadihii ugu dambeeyey ayaa Arsenal kaga hormartay kooxda Ruushka gool kaasoo  uu u saxiixay ciyaaryahanka u dhashay dalkaasi Holand ee kooxdaasi uga ciyaara afka hore Van Persie daqiiqadii 78aad, ka dibna waxaa gool kale raaciyey daqiiqadii 86aad laacibka Arshavin, waxana ciyaartaasi ay ku soo gebagebowday Asenal 2-0 Olympiakos.

Arsenal's Andrey Arshavin battles against Michal Zewlakow

Arsenal's Cesc Fabregas shoots at goal

 Robin van Persie celebrates scoring the opener for Arsenal

Arshavin backheels the ball past Antonis Nikopolidis in the 86th minute

 

Max'ed Xasan Afrax (Jala)
Mr.jala@hotmail.com

 

 

Somalikudhan sports news
info@somalikudhan.com



User Comments

Post Your Comments
All comments are from visitors, not from Somalikudhan.com

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)

Warar Kale
Maqaallada
Arimaha Diinta
Ganacsiga
Cayaaraha
Caafimaadka
Copyright (c) 2009 - Somalikudhan.com