|
Ciyaarta oo si xamaasad leh ku bilaabatay ayaa labada kooxood midna aysan suura gal u noqon in qaybtii hore ay gool kaga hormarto kooxda kale, waxana lagu kala baxay 0-0.

Qaybtii dambe ee ciyaarta markii laysugu soo laabtay ee la soo gaaray daqiiqadii 56aad ayaaWolfsburg gool kaga naxsatay Man united kaas oo uu shabaqa ku hubsaday ciyaaryahanka Dzeko.
Laakiin Manchester united kama harin oo seddex daqiiqo gudahood ayey kaga daba tagtay Wolfsburg waxana gool qurux badan u dhaliyey Gigis, ka dibna waxaa gool kale raaciyey daqiiqadii 78aad Carrick waxana ciyaartasi waqtigii loogu tala galay ay ku soo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Manchester united.


Max'ed Xasan Afrax (jala)
Mr.jala@hotmail.com
Somalikudhan sports page.
info@somalikudhan.com
|