|
Ciyaartaasi oo ahayd mid aad u adag ayaa waxaa gool ku hormartay kooxda Sunderland kaasoo uu shabaqa la helay ciyaayahanka Bent daqiiqadii 7aad ee ciyaarta bilawgeedii.waxana qaybtii hore ay labada kooxood ku kala tageen Sunderland oo gool leh iyo Manchester oo gool la'aan ah.
Markii ciyaarta qaybteedii dambe laysugu soo laabtay ee la gaaray daqiiqadii 51aad ayaa Manchester barbaraysay Sunderland waxana goolka u dhaliyey laacibka numberka 9aad u sita ee lagu magacaabo Berbatov.
Laakiin Sunderland gool kale ayey ka dhalisay Manchester daqiiqadii 58aad kaasoo uu shabaqa ku hubsaday ciyaaryahan Jones waxana ay ciyaartii noqotay 2-1 ay ku hogaaminaysay Sunderland.
Markii uu dhamaaday waqtigii 90-ka daqiiqo ahaa ee loo asteeyey in ciyaartaasi ku soo gebagebowdo ayaa ciyaaryahanka u ciyaara naadiga Sunderland gool ka dhaliyey kooxdiisa waxana ay noqotay natiijadii ciyaartaasi 2-2.





Max'ed Xasan Afrax (jala)
jala138@hotmail.com
Somalikudhan sports news
info@somalikudhan.com
|