|
Mar aan booqday Isbitaalka Madiina oo inta badan la gaarsiiyo Dhaawacyada dadka ku waxyeeloobay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ayaan waxaan la kulmay wiil 8 jir ah oo ay dhakhaatiirta iyo dadkii ehelka u ahaa ay dul tuban yihiin, markii aan damcay in aan fiiriyo ayaa waxaan u dhameyn waayey aragtida, waayo wiilka 8-jirka ah waxa uu ka burburay afka Sanka iyo mid ka mid ah Indhihiisa, kadib markii isaga iyo Hooyadii ay ku dhaawacmeen dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Hooadii dhashey wiilka oo Barooraneysa dhaawacna soo gaarey
Dr. Cumar Akram oo ah dhakhtar u dhashay wadanka Qadar, dhawaana hawl samafal ku soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa mar aan la kulmay waxa uu sheegay in aan wiilkaan waxba looga qaban Karin dalka gudihiisa, waayo ayuu yiri qalabkii lagula tacaali lahaa ayaan oolin isbitaalka Madiina, waxa uuna ka codsaday dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool iyo hay’adaha Samafalka in ay gargaar deg deg ah u fidiyaan wiilkaasi, isagoo ku tilmaamay in ay tahay dhacdadii ugu xumeed ee uu la kulmo mudadii yareed ee uu ka hawlgalayey isbitaalka Madiina.
Wiilkaan oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Maxamuud ayaa ku dhaawacmay dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalada Muqdisho isaga iyo hooyadii waxay ku dhaawacmeen Rasaastii ay isweydaarsanaayeen dhinacyada Muqdisho ku dagaalamaya, waxaana sida sawirka kaaga muuqda halkaasi ku dhaawacmay Hooyada dhashay wiilka oo lagu magacaabo Saafi Max’ed Shidane oo gacmaha kor u haysa iyada oo barooraneysa kadib markii ay wiilkeeda oo afku , sanka iyo Il maqan yahay sida aad sawirka ka arki karto.

Hooyo saafi iyo wiilka oo is ag jiifa
Hadaba ciddii dooneysa in ay caawiso wiilkaas iyo hooyadii oo ka soo jeeda qoys dan yar ah, waxa ay la soo xiriir karaan taleefa Aabaha dhalay wiilka oo ah.
Aabbe Max’ed Maxamuud Cumar
Tel: 0025215102092
Ama
Tel: 00252162331744
Ama
Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com
0025215532494
|