Muqdisho: AMISOM Oo Dib U Furtay Cusbitaal Si Lacag Laaan Ah Dadka Loogu Daweynayo
Posted at: 10/9/2009 2:18:00 A
Ciidamada ka socda Midawga Afrika ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa dib u furay Cusbitaal si lacag laaan ah dadka Soomaalida loogu daawaynayo, xili dhaqaalo xumi xoogan laga dareemayo gudaha magaalada Muqdisho taasi oo saamaysay dadka ku dhaqan Muqdisho iyo gobollada kale ee Soomaaliya.

 

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Major Bridgaya Bahaku ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in Isbitaalka weyn ee dadka lagu daweyn jiray dib loo furay, wuxuuna sheegay afhayeenka AMISOM in isbitaalkaasi uu haatan yahay mid si caadi ah howlihiisa u gudanaya.

 

Cusbitaalkaan ayaa kal hore la furay kaddib markii ciidamada ka socda Midawga Afrika ay soo gaareen magaalada Muqdisho iyadoo si lacag la’aan ah dadka loogu daawayn jiray hase ahaatee wuxuu xirmay kaddib markii dhowaan markii ay halkaasi ka dhaceen qaraxyo waaweyn oo qasaare soo gaarsiiyay ciidamada AMISOM, Cusbitaalka ayaa ka furnaa xarunta ugu weyn oo ay ciidamada AMISOM ka daganyihiin magaalada Muqdisho.

 

Wararka Caafimaadka Somalikudhan

Nairobi Kenya

 



User Comments

Post Your Comments
All comments are from visitors, not from Somalikudhan.com

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)

Warar Kale
Maqaallada
Arimaha Diinta
Ganacsiga
Cayaaraha
Caafimaadka
Copyright (c) 2009 - Somalikudhan.com