|
ICRC ayaa sheegtay in toddobaadkaan laga helay qaar katirsan xerooyinka dalka Kenya 21 qof oo qaba cudurka hargab doofaarka, waxaana xeryaha laga helay ay kala yihiin Dhadhaab iyo Kaakuma oo ay ku jiraan dad badan oo qaxooti oo kasoo cararay rabsahda ka jira dalkooda waxaana u badan dadka ku jira Soomaali.
Hay’adda ICRC oo samayasay baaritaan ku samaysay cudurkaan ayaa xaqiijisay in cudurkaan uu ku dhacay 21 oo qaxooti ah, iyadoo hay’addu ay ka digtay jiraan dad kale oo qaxooti ah oo qaba cudurkaan, Gitau Mburu oo ah dhakhtar ka tirsan ICRC ayaa wuxuu sheegay inaysan jirin agab caafimaad oo ku filan oo yaala Cusbitaallada deegaanada xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.
Gitau Mburu ayaa ku daray hadalkiisa in laga yaabo in cudurka Virus-ka H1N1 ee hargab doofaarka uu si fududu dad ugu dilo xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya, Hay’adda ICRC ayaa sidoo kale ka in uu hargab doofaarku u gudbo gudaha Soomaliya.
Wararka Caafimaadka Somalikudhan
Nairobi Kenya
|