Cudurka Kansarka Oo La Sheegay In Hooyadu Ay Qaadsiin Karto Ilmaha Yar
Posted at: 10/14/2009 12:39:00
Cudurka Kansarka ayaa la sheegay in Hooyadu ay u gudib karto ilmaha uurka ku jira, Saynisyahanno ayaa caddeeyay in ay suurta gal tahay in hooyada uurka lihi ay kansar u gudbiso ilamaha uurka ku jira. Aragtida la qabay waxay ahayd in carruurta intay uurka ku jiraan uu jirkoodu leeyahay awood uu isaga daafaco haddii hooyadii kansar qabto.

 

Koox uu hoggaaminayo saynisyahan British ah ayaa waxay hadda sheegeen in cudurka leukemia ee ay ka heleen ilmo markaa dhashay, uu meesha keliya ee uu ka qaadi karay ay tahay uurka hooyadiis. Saynisyahannadu 100 sano ayay la wareersanaayeen in hooyadu ay ilmaha uurkeeda ku jira u gudbin karto kansar iyo in kale.

 

Hadda ka hor waxaa la helay 17 carruur ah oo markaa dhashay uu qabay luekaemia ama melanoma oo ku nooc ahaa midka hooyadood qabto. Baaritaankan hadda waxaa lagu sameeyay hooyo u dalka Japan.

 

Somalikudhan.com + BBCSomali.com

 



User Comments

Post Your Comments
All comments are from visitors, not from Somalikudhan.com

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)

Warar Kale
Maqaallada
Arimaha Diinta
Ganacsiga
Cayaaraha
Caafimaadka
Copyright (c) 2009 - Somalikudhan.com