Daawooyin loogu deeqay barakacayaasha ku sugan duleedka Muqdisho
Posted at: 10/14/2009 12:40:00
Ururka dhaqaatiirta da'da yare ee SOYDA ayaa deeq dawooyin ah gaarsiiyay deegaanada ay ku sugan yihiin dadka barakacayaasha ee duleedka magaalada Muqdisho.

 
Mas'uul u hadlay ururka dhaqaatiirta da’da yar ee SOYDA ayaa sheegay in ururkoodu uu wado qorshe loogu sameynayo dawooyin lacag la'aan ah dadka barakacayaasha. Arinkaan ayaa waxaa soo dhaweeyey dadka barakacayaasha ah ee ku sugan duleedka magaalada Muqdisho.

Degaanda ay ku suganyihiin dadka barakacayaasha ayaa waxaa aad ugu yar adeega caafimaad iyada oo goobta ay daganyihiina ay tahay goob aan u wanaagsanayn cafimaadka, ururka SOYDA ayaa waxay sheegeen in ula jeedkoodu uu yahay in dadka barakacayaasha ay helaan adeeg caafimaad oo tayaysan.

Ururka dhaqaatiirta da'da yar ayaa ugu baaqay bulshada qeybaheeda kala duwan in ay gargaaraan dadka iyagu deegaanadooda uga barakacay dagaalada magaalada Muqdisho.

Wararka Caafimaadka Somalikudhan
Nairobi Kenya

 



User Comments

Post Your Comments
All comments are from visitors, not from Somalikudhan.com

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)

Warar Kale
Maqaallada
Arimaha Diinta
Ganacsiga
Cayaaraha
Caafimaadka
Copyright (c) 2009 - Somalikudhan.com