|
Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa waxaa la geeyey tiro kale oo caruur kuwaasi oo qaba cudurka Jadeecada, dad badan oo ku dhaqan degaanada gobolka Sh/hoose ayaa wal wal ka qaba in cudurkaan uu ku fido degaanada gobolkaasi.
Degaanada gobolka Sh/hoose ayaa waxaanan ka jirin adeeg caafimaad oo dhamaystiran taasina waxay sababtay in dad badan ay awoodi waayaan degmooyinka waa wayn ee gobolkaasi kuwaasi oo leh adeegyo caafimaad. Dadkan ayaa waxaa ay u baahan yihiin gurmad iyo in laga gacasiiyo sidii looga saari lahaa dhibaatada dhinaca caafimaad ee xilligan ay ku sugan yihiin.
Dhibaatadan ayaa waxaa ay soo ifbaxday kaddib markii ay meesha ka baxeen howlo lagu talaali jiray caruurta, waxaana haatan laga deyrinayaa xaaladda caruur badan oo ku nool deegaanka Lambar-50 oo dhanka koonfur ka jira degmada Afhgooye ee gobolka Sh/Hoose.
Wararka Caafimaadka Somalikudhan
Nairobi Kenya
|