|
Guusha ay gaartay Ghana waxa ay ka dhigaysaa dalkii ugu horreeyey ee ka tirsan qaaradda Afrika ee ku guulaysta koobkaasi kubadda cagta adduunka ee dhalinta da'doodu ka yar tahay 20-ka Sano.
Ciyaarta dhexmartay labada dal waxa ay ahayd mid aad u xiisa badan waxana waqtigii loogu talagalay ay ku dhamaatay 0-0.
Qadar sodon daqiiqo ah ayaa lagu daray ciyaarta laakiin wax goolal ah laguma kala dhalin waxana si ay u kala baxaan loo dhigay rigoorayaal,
Ciyaartaasi waxa ay natiijadeedii noqotay 4-3 ay guushu ku raacday ciyaartoydii ku ciyaaraysay magaca dalkaasi Ghana.
Goolka guushu ku raacday Ghana waxa u dhaliyey Agyemeng-Badu, ka dib markii uu fursaddii la siiyey uu lumiyey ciyaaryahanka Brazil ee lagu magacaabo Maicon.
Waxaa ciyaartaasi dibadda lagaga saaray oo garsoorihii dhex dhexaadinayey uu u taagay calaamadda cas laacibka Ghana uga ciyaarayey difaaca Danial Ado ka dib markii uu jalaafay Alex Teixeira oo barazil u ciyaarayey.
Brazil waxa ay iska lumisay fursado badan oo goolal laga fishay, waxana u suurta gelin waayey in ay si fudud halkaasi goolal uga dhaliso ciyaartoydii reer Ghana.
Wararka Ciyaaraha Somalikudhan
info@somalikudhan.com
|