Cudurka kaadi macaanta (sokorowga)
Posted at: 10/19/2009 1:34:00
Kaadi sonkorowgu waa cudurka uusan jidhkaagu si habboon u isticmaali karaynin cuntada aad u cuntid inaad tamar ka hesho. Unugyadaadu waxay u baahan yihiin tamar si ay u noolaadaan una koraan.


Markaad cunto cuntid, jidhkaagu wuxuu cuntada u jajabiyaa qaab tamar ah oo loo yaqaanno glucose. Glucose waa erey kale oo loo isticmaalo sonkorta.

Glucose-tu waxay aaddaa dhiiggaaga ka dibna sonkorta dhiiggaaga ayaa kor u kacda. Insulin waa hoormoon ay samayso xammeetidaadu (Pancreas). Waxay caawisaa in glucose-tu dhiiggaaga ka dhaqaaqdo ayna aaddo unugyada jidhkaaga si markaas jidhkaagu uu ugu isticmaalo tamar. Dadku ma noolaan karaan insulin la’aan.

 

Waxaa jira saddex nooc oo waaweyn oo kaadi sonkorow ah.

• Sonkorowga Nooca 1, xammeetidu ma samayso insulin.

• Sonkorowga Nooca 2, xammeetidu ma samayso insulin ku filan ama jidhkaagu ma awoodo inuu isticmaalo insulin-ta ay xammeetidu samayso.

• Sonkorowga ilmuhu uurka jiro waqtiga uurka, hooyadu ma awooddo iney sameyso insulin ku filan si ay ugu daboosho baahida hooyada iyo ilmaha labadaba.

 

Arrimaha Halista leh ee Kaadi Sonkorowga

Waxaad in badan halis ugu jirtaa inaad sonkorow qaaddo haddii:

• Aad ka soo jeeddo qoys ay kuwa kale sonkorow qabaan

• Uu miisaankaagu xad dhaaf yahay

• Aad ka weyn tahay da’da 40 sano

• Aadan fir-fircooneyn jir ahaan

• Aad sonkorow qabtay waqtigii uurka (sonkorow ilmuhu uurka ku jiraan) ama ilmo miisaankiisu yahay 9 rodol ama 4 kiilo ama ka badan waqtiga dhalashada

• Aad ka soo jeeddo Afrikaan, Aasiyaan, Laatiino ama Jasiiradaha Baasifigga

 

Calaamadaha Sonkorowga:

• Aad u oommanaan

• Daal dareemid

• In badan kaadi u aadidda musqusha

• Arag ciiro ku jirto

• Caatoobid

• Dhaawacyada oo si gaabis ah u bogsada

• Baahi joogto ah

• Maqaarka oo ku cun-cuna

• Cudurro malaxaysi leh

• Kabuubyo ama xat-xato cagaha iyo/ama gacmaha ah

• Dhibaatooyin ka yimaada dhinaca hawlaha galmada

 

Dadku badanaa ma lahan calaamado inkastoo heerka glucose-ta dhiiggoodu ay sarrayso. Waxaa sonkorowga lagaaga baari karaa iyadoo dhiig lagaa qaado.

 

Daryeelkaaga

Ujeeddadu waa in heerka glucose-ta laga dhigo mid ugu dhow sida caadiga ee suuragalka ah.

Daryeelkaaga waxaa ku jiri kara:

• Qorsheynta cuntooyinka aad cunayso

• Baaridda heerarka glucose-ta

• Calaamadaha barashada si aad u ogaatid marka heerka glucose-taadu ay aad u hooseyso ama aad u sarrayso

• Jir dhis

• Daawo qaadasho: insulin ama kaniiniyo

• Xafididda dhammaan ballammada aad la leedahay kooxda daryeelka caafimaadkaaga

Wixii Su’aalo ku saabsan mawduucaan hoos ku weydii

 

SomaliDoc

 



User Comments

S.C w.W. Walal waxan qabaa sonkor waxana usabab ah xametida oo dhawac noqotay waxan rabaa cuntada noca an ubahanahay iyo wixi an ka yeli lahay xametida.Fadlan jawab
Posted by Ibrahim yusuf on 1/29/2010 12:33:49 AM
S.C w.W. Walal waxan qabaa sonkor waxana usabab ah xametida oo dhawac noqotay waxan rabaa cuntada noca an ubahanahay iyo wixi an ka yeli lahay xametida.Fadlan jawab
Posted by Ibrahim yusuf on 1/29/2010 12:34:06 AM
Ibrahim Yusuf, walaal waxaan jeclaan lahaa in aan kugu xiro dhaqtar, arintaan Cunada kaala taliya, sidaa darted waxan jeclahay in aan helo E-mail-kaaga ee fadlan ku soo dir info@somalikudhan.com fariin gaaban iyo in aad tahay Ibrahim Yusuf.
Posted by Ismail Warsame Ali on 3/2/2010 10:10:33 AM
Post Your Comments
All comments are from visitors, not from Somalikudhan.com

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)

Warar Kale
Maqaallada
Arimaha Diinta
Ganacsiga
Cayaaraha
Caafimaadka
Copyright (c) 2009 - Somalikudhan.com