Muqdisho: Gaadiidka Xamuulka Suuqa Bakaaraha Oo Nidaam Loo Samaynayo
Posted at: 10/21/2009 11:31:00
Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa wada qorshe ay nidaam ugu sameynayaan Gaadiidka Xamuulka ah ee keena badeecooyinka suuqaasi kuwaasi oo kuwaasi oo boosteejin ku leh suuq dhexdiisa.


Gudoomiyaha suuqa Bakaaraha Cali Dheere ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay wax uga qabanayaan dhibaatada gaadiidka xamuulka ay ku qabaan in alaabaha ay wadaan ku dajiyaan gudaha suuqa si dhib la’aan ahi.

Wadooyinka Suuqa Bakaaraha ayaa ah kuwo cariiri ah oo xitaa dadka caadiga ah dhibaato ku qabaan marka ay marayaan, gaadiidka xamuulka ee alaabaha ganacsiga keena suuqa bakaaraha ayaa badeecooyinka ay ka soo qaadaan Dekedda way nee magaalada dhiga inta u dhaxeysa Isgoysyada Bakaaraha iyo Aadan Cadde maadaama ay dhib tahay in wadooyinka suuqa ay yihiin kuwo aad ciriiri u ah.

Gadiidka xamuulka ayaa mararka qaarkood ku rogmada wadooyinka gudaha iyo nawaaxiga Suuqa Bakaaraha oo ciriir ah aawgeed, ganacsato yar yar ayaa buuxiyay wadooyinka suuqa bakaaraha kuwaasi oo nolol maalmeedkooda ka raadsadaan,

Inta badan gaadiidka Xamuulka ah ee ay soo rartaan ganacsatada Soomaaliyeed ku ganacsada Suuqa Bakaaraha ayaa waxay Suuqa soo galaan xiliga habeenkii markaas oo ay u doorteen in Suuqa uu ka firaaqo roon yahay maalinta cad oo ay dadka badan Suuqa u soo shaqo tagaan.

Wararka Ganacsiga Somalikudhan
Nairobi Kenya

 



User Comments

Post Your Comments
All comments are from visitors, not from Somalikudhan.com

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)

Warar Kale
Maqaallada
Arimaha Diinta
Ganacsiga
Cayaaraha
Caafimaadka
Copyright (c) 2009 - Somalikudhan.com