|
Masuuliyiin ka tirsan kalluumaysatada gobolka Banaadir oo kulan la yeeshay saraakiil ka socotay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ayaa waxay isku afgarteen inay kalluumaystada ay dib u bilaawdaan hawlahooda, kalluumaystada ayaa cabasho xoogan ka muujiyey dhibaatooyin ay sheegeen inay u gaystaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ee ilaalada ka haya xeebaha gobolka Banaadir.
Afhayeenka ay leeyihiin kaluumeysatada gobolka Banaadir ayaa saxaafadda u sheegay in la siiyay amar taasoo ciidamo dowladda KMG ah ku doonayaan in ay lacago sharci darro ah uga qaadaan, sida uu yiri; balse waxaa uu tilmaamay in aysan marnaba diyaar u aheyn bixinta lacago aan sharciga loo soo marin.
Wararka Ganacsiga Somalikudhan
Nairobi Kenya
|