|
Ciyaartaasi oo ahayd mid ay si aad ah uga soo qaybgaleen taageerayaasha labada kooxood ayaa waxaa ku awood saraysay kooxda Chelsea waxana Blackburn lagaga badiyey 5 gool iyo waxba.
Goolkii ugu horreeyey goolsha ay Chelsea ku badisay waxa dhaliyey daqiiqadii 20aad laacibka Givet waxana ay labada kooxood ku kala nasteen qaybtii hore ee ciyaarta Chelsea gool Blackburn waxba.
Markii ciyaarta qaybteedi dambe laysugu soo laabtay ee la soo gaaray daqiiqadii 48aad ayaa waxaa gool kale u dhaliyey Chelsea ciyaar yahan Lampard, ka dibna waxaa gool kale raaciyey daqiiqadii 52aad ciyaaryahanka qadka dhexe uga ciyaa ee u dhashay dalkaasi Ghana Essien.
Lampard, ayaa mar kale gool ku hubsaday shabaqa goolka kooxda Blackburn waxana soo qatimay oo isaguna goolhayaha Blackburn kubada daba mariyey daqiiqadii 64aad ciyaaryahanka afka hore uga ciyaara Chelsea Drogba waxana lagu kala baxay Chelsea 5-0 Blackburn.




WD: Max'ed Xasan Afrax (jala)
Mr.jala@hotmail.com
Wararka Sportska Somalikudhan
Info@somalikudhan.com
|