|
Sheekh Cali Dheere Gudoomiyaha ganacsatada suuqa Bakaaraha oo maanat u waramayay warbaahinta in duqaynta loo gaystay maanta suuqa Bakaaraha aysan ahayn wax ku cusub balse ay uga barteen ciidamada AMISOM mar walba oo la weeraro inay suuqa Bakaarah duqeeyaan, Cali Dheere wuxuu intaa ku daray in aad uga walwalsan yihiin duqaynta maalin walba loo gaysto Suuqa Bakaarha.
Sheekh Cali Dheere ayaa ugu baaqay ciidamada AMISOM inay ka joojiyaan duqanya ay mar walba bartilmaameedsadaan suuqa Bakaaraha “Wax badan ayaan ka cabannay oo aan codsannay in Suuqa laga joojiyo duqeynta, wax la fahmi karana ma ahan in madaafiic waa weyn oo cadaw loogu talagalay lagu garaaco Suuqa Bakaaraha oo ah goob ay dad rayid ah ku ganacsadaan”ayuu yiri Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Dheere.
Sheekh Cali Dheere ayaa ka digay in hadii duqeynta lagu sii wado Suuqa Bakaaraha uu suuqa iyo dadka ku ganacsatadaba ay dabar go’i doono, dhanka kale afhayeenka ciidamada AMISOM Bariijiye Bahuuko ayaa beeniyay inay duqan u gaysteen suuqa Bakaaraha wuxuu sheegay in madaafiicda ku dhacday suuqa Bakaaraha ay ka timid dhanka waqooyiga magaalada Muqdisho oo dagaalo ay ka socdeen.
Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa mar walba lagu garaacaa madaafiic taasi oo waxyeelo u gaysata dadka rayidka ah hase ahaatee dhinacyada dagaalamaya ayaa mar walba beeniya inay duqayn u gaysteen suuqa Bakaaraha iyo goobaha ay dagan yihiin dadka rayidka ah.
Wararka Ganacsiga Somalikudhan
Nairobi Kenya
|