|
Dabka ka kacay suuqa Afar Irdood ayaa ka dhashay bakhaar lagu iibiyo shidaalka waxaana dabkaas uu baabi’iyay dhawr goobood oo ganacsi oo yaallay suuqaasi.
Ganacsatada suuqa Afar Irdood ee magaalada Baydhaba ayaa ku guulaysan waayay inay si dhaqsi ah ku damiyaan iyaga oo ka baqaya in qaraxyo kale ka dhashaan fuustooyin uu shidaal oo ku jiray bakhaarka gubtay iyo bakhaaro kale oo ku dhaganaa, magaalada Baydhabo ma lahan wax dab damis ah taasina waxay sababtay in dukaaman kale oo ku dhaganaa bakhaarka gubtay in dabka uu baabi’iyo.
Dabka markii u kacay ayaa waxa dadkii jaarka la ahaa ay bilaabeen in ay hantidooda ka saartaan goobahooda iyaga oo ka cabsi qabay inuu dabka ku fido laakiin dadaal dheer ka dib ayaa la guuleysaty in dabkii la damiyo.
Wararka Ganacsiga Somalikudhan
Nairobi Kenya
|