Koofur Afrika: Ganacsade Soomaali Ah Oo La Dilay
Posted at: 10/25/2009 4:27:00
Kooxo hubaysan ayaa habeenimadii xalay wadanka Koofur Afrika ku dilay ganacsade Soomaali ah, ganacsadaha la dilay ayaa wuxuu ku ganacsan jira degmo lagu magacaabo Kwanobule oo u dhow Magaalada Johannesburg ee caasimada wadankaasi.


Ganacsadaha la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Maxamed waxayna da’adiisu ahayd 25-sano jir, kooxihii dilay ganacsadahaan ayaa la sheegayaa inay isaga baxsadeen goobta ay falka ka gaysteen, afhayeen u hadlay Booliska Koonfur Afrika oo lagu magacaabo Priscilla Naidu ayaa sheegay in koox gaaraya 5-nin oo aad u hubeysan ay dileen ganacsadahaan.

 

Priscilla Naidu ayaa ku daray hadalkiisa in ganacsade Cali Maxamed lagu dhex dilay tukaankiisam oo rasaasta ay ka haleeshay madaxa oo uu ku dhex geeriyooday tukaankiisa, ciidamada booliska ee magaalada Johannesburg oo gaaray goobta uu dilka ka dhacay ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ay ku ogaanayaan cida ka dambeysey.

 

Toddobaadkii tagay ayay ahayd markii ganacsade Soomaali ah lagu dilay magaalada Johannesburg iyadoo tiro kale oo ganacsato Soomaali ah horay loogu dilay goobahoodii ganacsi, hase ahaatee ma jirto cid ilaa iyo haatan wax u qabatay ganacsatadaasi la dilay.

 

Wararka Ganacsiga Somalikudhan

Nairobi Kenya

 



User Comments

Post Your Comments
All comments are from visitors, not from Somalikudhan.com

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)

Warar Kale
Maqaallada
Arimaha Diinta
Ganacsiga
Cayaaraha
Caafimaadka
Copyright (c) 2009 - Somalikudhan.com