|
Wasiirku wuxuu sheegay in saamaynta hoos u dhaca dhaqaalaha aduunka ay la wadaagto dalal kale oo Afrikaan ah oo iyagana ay saamaysay hoos u dhaca dhaqaalaha aduunka, wuxuu sidoo kale sheegay in dowladdiisa aysan hanti badani u oollin baananka.
Cali Faarax, Wasiirka Maalliyada Jabuuti ayaa sheegay in dhaqaalaha dalkiisa uu kor u kacay kaddib markii dekedda Jabuuti la balaaariyay oo ay noqotay dekkad Caalami ah, wuxuu sidoo kale wasiirku sheegay in dekedda cusub ee Dooraale laga furayo qeyb ay isticmaalaan maraakiibta militeri ee ku hawlan la dagaallanka burcad badeedda.
Wararka Ganacsiga Somalikudhan
Nairobi Kenya
|