Liverpool oo 2-0 ku suul daartay Manchester United.(Daawo sawirada)
Posted at: 10/26/2009 2:23:00
kooxda Liverpool ayaa si xaraga leh uga badisay kooxda kubadda cagga ee shayaadiinta cascas oo ay isaga horyimaadeen garoonka Anfield ciyaar ku tirsanayd horyaalka Primier League.

Ciyaartaasi oo ahayd mid aad u xiisa badan todobaadyana la sugayey ayaa waxaa ka soo qayb galay taageerayaasha labada kooxood kuwaas oo u sacabtumayey si ay u dhiiri geliyaan ciyaatoda.

Qaybtii hore ee ciyaarta kooxina kuma guulaysan in ay kooxda kale ka dhaliso wax gool waxana lagu kala nastay 0-0.

Markii qaybtii labaad ee ciyaarta laysugu soo laabtay ee la soo gaaray daqiiqadii 65aad ayaa Liverpool waxa u suura gashay in kubadda ay la hesho shabaqa kooxda Man United kaasoo uu si xaraga leh u daba mariyey goolhaye Van Der Sar laacibka Spain u dhashay ee Fernando Torres.

Manchester United waxa ay aad ugu dadaashay in goolkaasi ay iska soo guddo waxana ka qasaaray fursado goolal laga fishay.

Markii la soo gaaray gebagebadii ciyaarta ayaa Liverpool mar kale gool ka dhalisay Manchester United waxana shabaqa ku hubsaday laacibka Ngong, kaasoo natiijadii ciyaarta ka dhigtay 2-0 ay guushu ku raacday Liverpool.

Edwin van der Sar saves from a Fabio Aurelio free-kick

Pepe Reina (right) celebrates with goalscorer David Ngog

Fernando Torres celebrates scoring against Liverpool

A steward clears beach balls from the Anfield turf

Jamie Carragher (left) and Ryan Giggs remonstrate with the referee

 

WD: Max'ed Xasan Afrax (jala)
Mr.jala@hotmail.com

 

Wararka Ciyaaraha Somalikudhan
infp@somalikudhan.com



User Comments

sxb ciyaarah waan kahelaaaaa siwacan ayaa loo soo kudbiyaaaaaa
Posted by abass on 2/16/2010 3:04:40 AM
ciyaaraha aad baan u xiiseeyaa asxaabeey ninkaan ugu ciyaraha jecel norwey baan ahay
Posted by yaaska on 3/14/2010 11:52:19 AM
Post Your Comments
All comments are from visitors, not from Somalikudhan.com

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)

Warar Kale
Maqaallada
Arimaha Diinta
Ganacsiga
Cayaaraha
Caafimaadka
Copyright (c) 2009 - Somalikudhan.com