|
Guddoomiyaha degmada Caluula Xareed Ciise Cumar oo BBC-da laanteeda afka Soomaaliga u waramayay ayaa wuxuu u sheegay inuu aqoon u leeyahay ragga la dilay oo ay ahaayeen dad kalluumeeysato ah, oo aan wax xiriir ah la lahayn burcad badeedda.
Afhayeen u hadlay ciidamada Faransiiska ayaa beeniyay warkaasi hase ahaatee mid ka mid ah kalluumaysatadii ku dhaawacmay ayaa isna BBC-da laanteeda afka Soomaaliga u sheegay in doonyo dheereeyo ay soo weerareen oo la dilay hal nin oo Soomaali ah iyo nin kale oo carab iyadoo sidoo kalena ay dhaawaceen tiro kale oo kalluumaysati ah.
Ninkaan u hadlay kalluumaysatada ayaa sheegay in sidoo kale ay xirxireen kalluumaysato kale, ciidamada badda ee Faransiiska ayaa ka mid ah wadamada reer Yurub ee ciidamadooda badda ay ka joogaan xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah la dagaallanka burcad badeedda.
Wararka Ganacsiga Somalikudhan
Nairobi Kenya
|