Dowladda Sacuudiga Oo Xayiraad Ka Qaaday Xoolaha Soomaalida
Posted at: 11/5/2009 2:12:00 A
Dowladda Sacuudiga ayaa si rasmi ah uga qaaday xayiraadii saarnayd xoolaha Soomaalida ee dalkeeda loo dhoofiyo, sida uu xaqiijiyey Wasiirka Wasaaradda xanaanada xoolaha ee maamulka Somaliland ee gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.


Wasiirka wuxuu intaasi ku daray in tallaabadan ay dhaqangashay isla markii lagu dhawaaqayba, oo xoolaha Soomaalida loo dhoofin karo Sacuudiga wixii haatan ka bilaawda. Dowladda Sacuudiga ayaa ugu baaqday shirkadaha dalkeeda in ay xoolaha nool kasoo iibsan karaan wadanka Soomaaliya, iyaga oo ku soo iibsanaya qaab waafaqsan sharciga Caalamka caalamiga ah ee xoolaha, sanadkii 2000 ayay ahayd markii dowladda sacuudiga ay xayiraad saarat xoolaha nool ee Soomaalida ee dalkeeda loo dhoofiyo.

 

Wasaarada biyaha iyo beeraha ee Sacuudiga ayaa sheegtay in xayiraad ka qaadista xoolaha Soomaalida ay timid kaddib markii sare u kac xoogan uu ku yimid qiimaha xoolaha nool lagu iibsado ee suuqyada dalkeeda xili ay soo dhawdahay ciidii barakeesneed ee cidul Adxaa iyo xilligii gudashada Xajka.

 

Xayiraadda dowladda Sacuudiga ka qaaday xoolaha Soomaaliya ayaa waxaa aad usoo dhaweeyey xoolalayda Soomaaliyeed, iyo ganacsatada ka baayacmushtarta ama dhoofisa xoolaha.

 

Wararka Ganacsiga Somalikudhan

Nayroobi, Kenya

 



User Comments

Post Your Comments
All comments are from visitors, not from Somalikudhan.com

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)

Warar Kale
Maqaallada
Arimaha Diinta
Ganacsiga
Cayaaraha
Caafimaadka
Copyright (c) 2009 - Somalikudhan.com