Riyad: Xawalada Caalamiga ah ee Western Union oo cilaaqaadkii ay la laheyd Riyaad ka goosatey
Posted at: 11/5/2009 7:35:00 A
Sideed xarumood oo ay laheeyd Westren Union ayaa albaabada la isugu dhiftey kadib markii heshiis ay la gashey shirkad xawaalad oo laga lahaa dalkaas uu dhamaadey waqtigiisii.

Arintaan ayaa waxaa xaqiijiyey Agaasime Elena Shalneva, kadib markii ay qilaaqaadkii kala goosteen Maxamed A. Al-fanih.

Shalneva, ayaa ka sheegtey dalka Jarmalka, in aysan ganacsigooda saameeyneeyn, maadaama sida ay  sheegtey ay leedahay  shirkaddu labo wakiil oo kale oo waa waayn oo kala ah Al-bilad Bank iyo Samba, kuwaas oo ka shaqeeya in kabadan 130 laamood oo ku taal dalkaas.

Sidoo kale waxa ay sheegtey in ay ugu bishaareeyneeyso macaamiishooda adeeg cusub oo Gacanka iyo Sucuudigaba ka dhaqan galaya.

Shirkadda Zain ee xarunteedu tahay dalka Kuwayt  ayaa xaqiijisey in ay bixin doonaan adeeg xawilaad oo Mobile-ka Zain la isu marsiinayo, iyadoo la isticmaalayo adeeg ZAP ee shirkadda Zain, sida laga soo xigtey Arab News maalintii Arbacada ahaayd.

Adeega Zap ayaa macaamiishiisa siiya awood xawilaad iyaga oo isticmaalaya Mobile-kooda, sidoo kalene maamulan kara lacagta u taal Bunuuda, iyagoo u dira qooysaskooda, Saaxiibadood iyo dadka ganacsigu kala dhexeeyo.

Western Union, hadda waxa ay u adeegtaa Malaayiin dad ah oo ku sugan Yurub, Bariga dhexe, Africa iyo Koofurta Eeshiya, iyadoo leh in kabadan 278,000 oo laamood oo ku kala yaala 160 wadan oo caalamka ah.

Ismail Warsame Ali (Kudhan)

Barnaamijka Ganacsiga www.somalikudhan.com News Page

info@somalikudhan.com

Nairobi Kenya.

 

 



User Comments

sir/ madan iam writing to ownd regard bank organization western union to help me do money trasnfer
Posted by ugbechie enoch on 4/14/2010 12:17:50 PM
Sir/MadanI want to pay 350 BPS,For Mr.Larry Fleece,in LYNX COURIER EXPRESS.Please help me,what must i do?
Posted by ALIREZA RAZAVI on 9/8/2010 12:10:23 AM
Post Your Comments
All comments are from visitors, not from Somalikudhan.com

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)

Warar Kale
Maqaallada
Arimaha Diinta
Ganacsiga
Cayaaraha
Caafimaadka
Copyright (c) 2009 - Somalikudhan.com