Xubinta afaraad ee dowlada ha laga daayo dilka.
Posted at: 11/22/2009 1:32:00
Sida aad ka war heysaan dowladda qeybaheeda ugu waa weyn waxaa loo qeybiyaa THE EXCUTIVE, CONGRESS, AND THE JUDICIAL. Seddexdaa hore waa xubno la doorto, Waxaa soo raacda qeyb aan la dooran oo loo yaqaano MEDIA, Sedexda hore midba mida kale ayeey baartaa oo la socotaa dhaqdhaqaaqa iyo waxqabadkeeda, (Check and Balance). Media-yaha waxa uu soo if baxshaa sida ay wax u qabtaan Dowladdu iyo dareenka shacabku ka qabo.

Waxaa ii muuqdaa waxaa weeye in kooxda warbahinta ha ahaato TV, RADIO, INTERNET , NEWS PAPPERS, AMA MAGAZINE. Aysan laheyn qibrad ku filan xagga war soo tebinbta iyo sida hadalka loo soo gudbiyo, Taa waxaan ula jeeddaa in aad wax sheegtaa waa waxa loo bahan yahay ee ummaddu rabto iney wax ka ogaato haddey tahay aqbaar noqon karta siyaassad, diin,dhaqan,iyo dhaqaale. Hase yeeshee waa in aad la socotaa waxna u soo gudbisaa sida sharcigu qabo ama ay wadaniyadu ku jirto, Inaadan buunbuunin wax qaldan, wax wadaniyadda ka dheer, wax diinta ka soo horjeeda. Waxaa loo baahan yahay in aad soo gudbisaan waxa dadka aqoontoda kor u qaadi kara, wixii qaldan ee ka dahsoon dadweynaha, wixii dhibaato ee meel ka jira si dadku u ogaadaan, iyo inaad ka ahaatan waxa aad soo gudbineysaan dhexdhexaad, midig ama bidix, Seddexduba waxay u hadlaan sida marwalba ku saleysan muwaadinnimo.

Hase yeeshee xirfadda ku yar dumarka iyo raga u baxay iney ka shaqeeyaan oo mar uun gaari doona heerka u sareeya ee xirfadoodu, maahan in la dilaa , Waa xubin muhiim u ah dadweynaha soomaliyeed oo aan laga maarmin, waxeey soo tebiyaan sidii dadka diinta loo bari lahaa, waxeey soo tebiyaan dhibaato jirto, hadey abaari jirto, hadey roobab waxyeelan duunyo iyo dad soomaliyeed, haddi dalka uu ku soo duulo cadow shisheeye, haddi xubin dowladda ka tirsan uu kharanka qalad ka galo waa ay soo gudbiyaan, haddi mucaarad dhib geysto waa soo gudbiyaan, Waxey noo soo gudbiyaan dadka maalinkastaa nooga le’anaya Badda cas, Badda medetreniyanka, Qaxootiga soomaIiyeed eek u sugan Yemen, Kenya,iyo Itoobiya, Waxaan joognaa INFORMATION AGE, Xirfada ku yar darteed looma dili karo, waase la sixi karaa iyadoo la siinayo tababar, waa wax jira iney dhibatada ka aloosan dalka ay qeyb ka yihiin, ayna meel qaldan ka maraan mararka qaarkood, mana wada ahan kuligood,

Laakiin waa la sixi karaa iyadoo laga faa’iideysanyo qaladkooda. Ma ahan in marka wax kuu dan ah ay sheegaan aad jeclaataa, marka ay qaladkaada sheegaana aad nacdaa oo aad dil qorsheysan ku dishaa.

Waxaan soo jeedinayaa Gacanta isqarineysa ee muwaadiniinta ku haya dilka iney joojiyaan dilkaas. Warbaahinadu waa in ay ka yeeshaan Common policy ay ku dhaleeceynayaan dilkaas foosha xun. Maaddama fal noocas ah markuu dhaco ay is qariyaan wixii ka danbeeyey ayna dhacdo in qolaba qoladda kale ay ku eedeyso ama ay sheegto ineysan wax shuqul ah aysan ku laheyn.

 

MEDIA waa wax dan u ah uumadda, fiiri inta website jirta mid aanan ka hadleyn aqoonta islamka, quraanka kariimka, xaddisyo waa yar yahay marka ninka wax dilayoow mawaadan muslim ahayn, Sidoo kale TV, Radio iyo Aaladaha kale ee isgaarsiinta waa sido kale. Markaa waxaad hor istagtay faafintii diinta adoo u dilaya meel kale oo aad ka qoonsatay taas oo aan sharciga islamku kuu siineyn inaad baneysataa dhiig dad muslim ah.

Media-yaha dadka ka shaqeeya dilkiisa waxaad ku muteysan doontaa naceyb shacabku idiin qaado shacabkaas oo taagan halkii u danbeyey ee ay ku soo jeesan lahaayeen si ay dhibatada uga baxaan.

Ma qaadaneyno haddaanu nahay muwaadiniinta soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan in la caburiyo aaladaha isgaarsiinta ama la cabsiiyo lana geliyo khatar naftooda oo ay ku waayaan mararka qaarkood. Yaa noo sheegaya gabar ama wiil ama hooyo ama aabe meel cidla ku dhibateysan ama qaba cudur u baahan dhaqaale uusan bukankasi awoodin oo aan uga soo dirno dibeda ama gudaha si uu u helo gargaar daawo ah.

Waxaan amaan u soo jaadinayaa aaladaha is gaarsiinta ee dareenka wanaagsan. Shaqada ay ummada u hayaan waa mid loo baahan yahay ee ka si wada halkiina.

Shacabka soomliyeed waxaan illahey idinkaga baryayaa inaad ka baxdaan dhibatadda aad ku jirtaan muddo aad u dheer.

 

I believe in the power of private citizens to improve society.
Abdirahmaan Mohamed Said (GENTLEMAN)
Email: asaid 16@hotmail.com
DUBAI : 00971506909892

Good leadership take advantage of the Media by telling what he is standing for and what his vision is towards the future.



User Comments

xdjcbnsod wsdjibs vsvijs vsivjs vskojvnovl
Posted by cali xasan on 12/2/2009 7:12:09 PM
Post Your Comments
All comments are from visitors, not from Somalikudhan.com

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)

Warar Kale
Maqaallada
Arimaha Diinta
Ganacsiga
Cayaaraha
Caafimaadka
Copyright (c) 2009 - Somalikudhan.com