|
(Laba caalim oo waawayn oo aad looga yaqaan Caalamka Islaamka ayaa June 13, 2009 soo saarayFataawo laba arimood ka hadlaysa, oogida xuduuda Shareecada iyo Al-walaa walbaraa "Xiriirinta iyo Goynta" qoraalkaas oo afcarabi ahaa waxaa soo turjumay SomaliTalk-na soo gaarsiiyey Xasan Ciise Barre iyo C/qaadir Cabdi, labdii tarjumaadna hoos ka akhri, waxaa soo horaysa tarjumaadii Xasan Ciise, cinwaankeeduna waa Diintu waa nasteexo)
Waxaanan isku dayey in aan turjumo si Soomaalida qaarkeed Ay ugu fududaato in ay fahmaan,waxaa Culumada Fadwadaan Soo saaray ay soomaalida ka codsanayaan in ay fidiyaan kana doodaan Waxay kaloo Culumadaas diyaar u yihiin in ay kooxaha Dagaalka wada la sameeyaan dood ay xaqa ugu cadaynayaan. Waxaa e-mailkaan la socda fadwadii oo Carabi ah Qofkii ay u suurta gasho in uu gaarsiiyo qolyaha ay khusayso Fadlan ha gaarsiiyo
Sidaan ayayna ku bilaabeen;
“Diintu waa naseexo”
Walaalaha Soomaaliyeedaw…….
Waxaa in badan Culumada Islaamku iyo Fuqahadu idiin soo jeediyeen baaqyo Farabadan oo ay idiin kaga dalbanayaan in aad joojisaan dagaalka iyo is dilka,Baaqyadaas oo uu ahaa kii ugu danbeeyey kii ay soo saareen Midawga Culumada Caalamka Islaamka kaasoo ku baaqayey joojinta dagaalka iyo in loo hogaansamo Nabadda. Baaqaas oo si aad u cad u bayaaniyey danbiga ka dhalanaya dagaalada iyo isdilka Soona daliishaday nusuus cad cad oo ah kitaabka alla iyo sunada Rasuulka Mana jirto arin qasbaysa in dib loogu celiyo baaqyadaas markale, Waxaa waajib ahayd in aad dagaalka joojisaan markii baaqyadaasi idin soo gaareen. Waxaan ogaanay in ku mamanaanta dagaalka in uu yahay arin ka abuurmey Shubhooyin(faham khaldan) lagu dhagan yahay.
Arintaa anagoo wax ku dhisayna waxaan jeclaystey in aan tilmaamo laba Shubho Oo ay ku dhagan yihiin qolada diidan wada hadalka oo ku adkaysanaysa dagaalka Iyo duulaanka, si aan u cdayno waxa shareecadu ka qabto ( ) {kii halaagsamaya(gaaloobaya) uu ku Halaagsamo dariiq cad kii noolaanaya(rumaynaya) uu ku noolaadu dariiq cad}
Waana labada Shubho oo kala ah hirgalin la,aanta xukuumada Shariif axkaamta ku saabsan xuduudaha,Iyo shubhada kale oo ah(al walaa wal baraa) diinta darted oo la isku xiriiriyo layskuna goyo, maadaama ay xukuumada shariif xiriir la leedahay dawlado aan islaam ahayn. Labadaa shubho waxay ahaayeen kuwii kiciyey fidnadii Takfiirka Meela badan oo caalamka ka mid ahna lagu banaystey dhiiga Muslimiinta.
Taas oo ay sabab u tahay garasho la,aan iyo meel aan ku haboonayn oo la saaray Waxaana ku dhaboobay hadalkii amiirul mu,miniin Cali Bnu Abii Dalib
Markii ay ku dheheen khawaarijtu “waxaan alla ahayn looma xukuntamo” (Uu yiri) “kalimad xaq ah oo baadil loola jeedo” maxaa yeelay waxaa
La saaray meel aan ku haboonayn.
Arinta ku saabsan shubhada koobaad oo ah:-hirgalin la,aanta axkaamta shareecada Marka laga hadlayo Cuquubaadka waxaan jeclaystey in aan ka iraahdo shareecadu Waa balaaran tahay dhan kastana waa u balaaran tahay arima badan ayaan is hoos Galaya waxaana ku dhan(shareecada islaamka) waxyaabaha lays farayo iyo Waxyaabaha layska reebayo dhammaan qaybaha kala duwan ee nolasha iyo qaybaha Ka shaqaynta wanaaga u adeegayo Shaqsiga iyo Bulshada iyo qaybaha Ciqaabta oo Ah mid ka mid ah in la fuliyaana waa waajib(Ciqaabta) waana arin loo baahan yahay Shareecada(dhexdeeda) layskuna boorinayo maxaa yeelay wuxuu dabar jarayaa Fasaadka laakiin waxaa ku xeeran(fulintiisa) shuruudo ay ugu horeyso in la helo Nidaam dagan maxaa yeelay waa arin u baahan in la helo Suldaan sida la wada Odsoon yahay, Suldaan la,aantiisna waajib ma,aha iskaba daaye ma banana Waxaana arinkaa isku waafaqsan Muslimiinta sida uu yiri Qurdhubi.
Labaad: waa in aan laga cabsi qabin in ay ka dhalato Fitno iyo khalal Diinta(dhexdeda) sida uu tusinayo arintii uu sameeyey Cumar Binu Khadab
Markii uu joojiyey Ciqaabtii masaafurinta(qofka sinayasta) Sadexdaad: in aanay jirin shubho burinaysa xuduudii, sida Gaajo iyo waxa La midkaa sida uu yeelay Cumar Binu Khadaab sanadkii(Caamu Ramaad)
Islaamku waa nidaam isku xiran dhamaystiran ilaalinaya duruufta Dhaqaale iyo Bulsho iyo Nabad galyo iyo Ruuxda Dadka, Qofkii aan fahmin arinkaa ma uu fahmin Xaqiiqada Shareecada iyo ujeedooyinka ku dhisan fududaynta iyo bishaaraynta. Markii la helo shuruudahaa hore qofkii aan dhaqan galin axkaamta xuduudaha Asagoo aan inkirsanayn waajibnimadeeda sharci, ma aha mid ka baxaya diinta Sida ay qabaan dadka arinkaan ku xeel dheer oo ahlul cilmiga ah kuwaas oo ku fasirey aayada allaah uu ku leeyahay suurada Maa,ida ( ) {kuwa aan wax ku xukumin waxa allaah Soo dajiyey duulkaas ayaga uunbaa gaalo ah}
Gaalnimo ka sokaysa gaalmida iyo faasiqnimo ka sokaysa faasiqnimada Sida uu yiri Ibnu Cabbaas iyo Xudayfa allaha ka raali noqdo labadoodabe
Mana aha arinkaasi arin ka saaraya Diinta mana bannaana in dadka lagula Diriro xujadaas maxaa yeelay gaalnimada makaankeedu waa qalbiga
Iyo ictiqaadka, waxay dheheen xudayfa iyo Ibnu Cabbaas ma aha Kufri (ga aayadu sheegtey) kufri ka saaraya Diinta haduu arinkaa ku kaco qof umada
ka mid ah “In uu ku xukumo wax aan alla soo dajin” illaa uu ku gaaloobo allaah Malaa,ikta iyo Kutubta iyo Rususha iyo Maalinta Aakhiro.
Waxaa kale oo sidaan oo kale laga wariyey koox Culumada Islaamka ka mid ah In ay sidaa ku fasireen Quraanka, waxaa ka mid ah Ibnu Cabbaas, Daa,uus, iyo Cadaa Hadalkaana waxaa leh Xaafidka Ibnu Cabdil Bar (kitaabkiisa) Tamhiid (5/74-75)
Waxaa yiri sidaan oo kale Sheekha Islaamka Ibnu Taymiyah: wuxuu yiri Ibnu Cabbaas iyo Asxaabtiisuba alla hadalkiisa ( ) {kuwa aan wax ku xukumin waxa allaah soo dajiyey duulkaas ayaga uunbaa gaalo ah} Waxay dheheen waxay Gaaloobeen Gaalnimo aan Diinta ka saarayn waxaana Arinkaa ku raacay Axmed Binu Xanbal iyo qayrki oo ka mid ah A,imadii salafka. Waxaana arinkaa loo tiiriyey Bukhaari {Fataawiga Ibnu Taymiya} Waxaana loogu noqonayaa kitaabkeena “Fataawa Fikriya” oo lagu baaray Takfiirka
Ma aha arinkaani in aan fududaynayno arinta ku saabsan fulinta Xuduudaha(Ciqaabaha) sharciga ah waxaanu uga jeednaa in arin walba la dhigo
Meesha ku haboon iyo baaq nabad galyo iyo joojinta dagaalka si loo helo duruuf Ku haboon in la fuliyo Xuduudaha(Ciqaabta), maxaa yeelay allaah ma ciqaabin Ree makka ayagoo bixiyey allaah wadaygiisa iyo kii uu saafi yeelay Moxamed(SCW) Lana dagaalamay dhibaatana u gaystey asxaabtiisii maxaa yeelay arinkaa waxaa Ka dhalan lahaa in dhib soo gaaro Rag iyo Dumar bari ah allaahna wuxuu yiri ) (
{hadaanay jirey rag mu,miniin ah iyo dumar mu,minaad ah oo aydnaan garanayn In aad ku sitaagtaan (dishaan) oo ay markaa idin asiibto danbi sababtooda ogaal la,aan si allah uu u galiyo qofkii uu doono naxariistiisa hadii ay ka soocmaan waa la cadaabi lahaa kuwa gaaloobay ee ka mid ah (ahlu makka) cadaab xanuun badan} Sidee u qaadaysaan dagaal aad ku dileysaan dad aan danbi galabsan oo ah oo Rag iyo Dumar ba iyo Caruur sheegasho in aad difaacaysaan xaqa?!
Mida ku saabsan Shubhada labaad oo ah:- (al walaa wal baraa) diinta darted oo wax lo gooyo waxna loo xariiriyo Asaguna sidoo kale waa arin la dhigay meel aan ku haboonayn Dushana laga saaray meel aan meeshiisii ahayn, Dadka oo lagu gaalaysiiyo Arin muuqda laakiin aan dhabtiisa(iyo waxa ka danbeeya) la ogayn Iyo eraya duuduuban oo aan tafsiirkooda la fahamsanayn.
Erayga {wilaayah} iyo erayada ka dhanbalma sida {Mawla iyo Wali} Wuxuu ku soo arooray siiqooyin badan kitaabka iyo sunahaba waxaa Ka mid ah {al wali} oo ku soo aroorey koob iyo labaatan macne Waxaa ka mid ah mar uu tilmaamayo Rabbi Jalla wa Calaa Mar uu tilmaamamayo ka wax leh, kan wax xoreeyey, qaraabo, Daris, Adeer, la wadaage ama sheer la ah, u gargaara IWM. Wuxuu yiri Murtadaa Azubaydi midka ugu badan Macnayaashaas
Wuxuu ku yimid Xadiiska mid walbna waxaa la raacsiinayaa Macnaha xadiisku u socdo.
Maxaa yeelay {Walaa} (isku xiriirnta Diinta) waa noocya badan Iyo darajooyin, midka kaliya ee diinta lagaga baxaana waa kan ah isku xiriirin diineed oo dhanka Caqiidada ah, wixii intaa ka soo haray waxaa ka mid ah xiriir loo baahan yahay oo ah kan qaraabada ka dhexeeya haduu doono ha ahaado qaraabo aan muslim ahayn ( ){dadka qaraabada ah qaarkood waxay xiriir la leeyhihiin qaarka kale(dhaxalka) kitaabka dhexdiisa}
Iyo sidii uu Rasuulkuba ku yiri Asmaa xiriiri Hooyadaa hooyadeedna Waxay ahayd gaalad, wuxuu noqon karaa xiriir xaaraam ah, sida xirii ay ka dhalan
Karto macsi iyo in la isugu kaalmaysto dil , laakiin taariikhda islaamka marka La eego Ururada islaamka qaarkood waxay siiyeen macne iyo fasir aan sax ahayn Sidaa daraadeed ayaa waxaa ka digey qayb ka mid ah raga ugu Waawayn Culumada suniyiinta sida imaamu Amxed allaha u naxariistee
Markii uu yiri sida uu ka wariyey Asdakhri(in uu yiri) walaha ama (isku xiriirinta Diintu) waa bidco sidoo kale Bara ama (isku nicida Diintu) waa
Bidco illaa hadalkiisa inta u danbaysay uu ku qorey(kitaabkiisii)”dabaqaatul xanabila” sidoo kale waxaa arinkaa sheegay Cabdullaahi Ibnu Axmed kitaabkiisa “kitaabu Sunah” inbadana ka yiri arinkaa
Ma bannana in lagu dhaganaadu Shubhada(fahamka khaldan) ee Al walaa wal baraa (diinta darted oo laysku gooyo ama laysku xiriiriyo) si loola diriro ciidamada Afrikaanka ee u yimid si ay u kaalmeeyey wadanka Qaraar ay gaareen Dawladaha Dariska iyo xukuumada Shariifba”Muslimiinta waxay magan galiyaan kooda u hooseeya midka u magan galiyey” bal ka waran marka haduu magan galiyey mas,uul wayn, sina uma bannaana in lala diriro waxaa idin saaran in aad is Waafaqdaan walaalihiin si aad isula xadidaan mudada ay amarka u qabaan Iyo inta uu le,egyahay salaaxiyaadka ay haystaan walaalihiin oo aad is Waafaqdaan waxaa sahlanaanaya in ay wadanka isaga tagaan ayna meesha Ka baxdo baahida loo qabao.
Alla ka cabsada waxa dhexdiina ahna hagaajiya, hana is gaalaysiinina Si aad arinkaa uga dhigataan cudur daar aad ku dagaalantaan ( ) {dhammaantiina alla u toobad keena dadka mu,miniintaahaw waxaad mudan
Tihiin in aad liibaantaane}
Tani waa waanadayada aan idiin jeedinayno waxaana diyaar u nahay In aan idin la samayno dood si aan idiin ku cadayno xaqa waxa ku saabsan
Qadiyadahaan iyo waxa la midkaa, waxaan kaloo ugu baaqaynaa xukuumada Ay doorteen dadka Garaadka iyo xalku u saaxiibkaa {ahlul xali wal caqdi} Ama qaarkood ay doorteen in ay dood la furto inta aanay la dagaalamin Sida uu sameeyey Cali Allaha ka raali noqdee wuxuu wada hadal la galay oo la dooday khawaarijtii markii uu u direy Ibnu Cabbaas wuuna ka joogsaday dagaalkooda illaa ay iyagu kiciyaan(dagaalka).
Waxaan ka loo ka codsanaynaa labada Dal ee marti galiyey Soomaalida Markii ciidamada Xabishudu ku soo xadgudbeen oo kale ah Jabuuti iyo
Eratariya in ay taageeraan Soomaalida sidii ay isugu keeni lahaayeen Oo isugu soo dumi lahaayeen waxay ku mahadsan yihiin sidii ay utaageereen
Soomaalida iyo marti galinta iyo sida ay isu garab taageen uguna loogeen.
Waxaan kaloo cod dheer kaga dalbanaynaa Culumada Soomaaliyeed In ay Faafiyaan Baaqayagaan oo ay idaacadaha ka sii daayaan Ay dib ugu laabtaan ay saxaan ay wax ka dhahaan Yoolkayagu(hadafkayagu) Waa xaqa iyo dhiiga in la joojiyo.
Waxaan ka codsanaynaa dhammaan Soomaalida in ay diyaariyaan qorshe xeel Dheer si looga saaro wadanka dib u dhaca iyo dirirta, googo,a, Bur burka iyo Raadadka dagaalka kaas ayaana ah jihaadka dhabta ah, sida uu leeyahay Sheikh Ibnu Taymiya Jihaadku wuxuu kulansaday dhammaan shaqo kasta oo Wanaagsan sida ku qoran Kitaabkiisa “al ikhtiyaar” ee uu qorey Bacli.
Waxaan suuraysan karaa qorshe ay ka wada shaqeeyeen ururada oo la midoobay Baarlamaanka iyo xukuumada laguna diyaariyey dhammaan nidaamka qaybaha kala Duwan ee Dawlada oo laga qaatey shareecada islaamka naskeeda maqaasideeda Furuucdeeda iyo qawaacideedaba.
Qorshe nololeed aan ahayn qorshe geeriyeed ( ) {Kuwa allah iyo rasulba rumeeyaw ajiiba hadii la idiim ku yeero wixii idin noolaynaya} Waana nolasha sharafta leh ee lagu kafaala qaaday liibaanta aduun iyo mida aakharo, Taas oo ah in kor loo qaado dhaqaalaha dib u soo celinta xaqootiga u gargaarka dadka Tabaalaysan diyaarinta iyo tababarida dadkii hogaamin lahaa Ummadda
Iyo in qawaaniin loo sameeyo hay,adaha ku dhisan shareecada islaamka ee sahalka ah Ee balaaran caziimooyinkeeda iyo rukhsadaheedaba iyo in la diyaariyo siyaasad Dibadeed oo ku dhisan daris wanaag iyo ilaalinta masaaliixda, taas oo siinaysa labada Dawladood ee dariska ah ee marti galiyey una gargaaray(Umadda Soomaaliyeed) Jabuuti iyo Eratariya waxa ay mudan yihiin iyo sidoo kale dhammaan Dawladaha Carabta iyo Islaamka iyo kuwa aan islaamka ahaynba una ogolaanaysa in ay ka qayb Qaataan nabadda iyo horumarinta oo ay ka mid tahay in lala saxiixan karo Dawlada Ethiobia oo horey ugu xad gudubtey Soomaaliya heshiis dhigaya in aan laysku xad Gudbin.
Sidoo kale in dib loo habeeyo ciidamada Qalabka sida ciidankaas oo ay ka wada mid Noqonayaan dhammaan ururada oo ay ka mid yihiin xarakada Shabaab Almujaahidiin Iyo janaraaladii waawaynaa geesiyaashii hore ee soomaaliya oo ay ka mid yihiin Burcad badeeda kuwaas oo heli doona fursad ay wadankooda ugu shaqeeyaan Halkii ay samayn lahaayeen qaadicu dariiqnimo oo ay suurta gal tahay in ay ka mid Noqdaan ciidamada badda ee Soomaaliya si ay maraakiibta dagaalka ee ajnabigu ay Saldhigyadoodii ugu noqon lahaayeen.
Waa in aad madixiina kor u qaadaan dhammaan Dawladahana aad iskaalmaysataan Oo ay ka mid yihiin dawladaha waawayn kuwaas oo dib ugu noqonaya Siyaasadahooda si aad u noqotaan awood nabad galyo oo aan ahayn Awood u taagan Burburin iyo Dagaal.
Waxaad muujiseen geesinimadiina goobihii dagaalada Muujiya saad uga libkeeni lahaydeen dhismaha nabad iyo horumarka. Islaamku wuxuu naxariis u yahay caalamka oo idil waana diinta nabadgalyada Iyo Jacaylak iyo uruurinta.
Nabiga nabad galyo iyo naxariisiba kor kiisa ha ahaatee, sida uu sheegay ibnu isxaaq Wuxuu amrey in la waardiyeeyo Ey ay la socoto dhasheedii oo maraysay wadadii ciidanka si ay u gudbaan (Eyga iyo dhashiisu)sas la,aan maxaad moodaa marka In la sas galiyo muslimiin iyo cid aan muslim ahaynba .
Arintaani waa fikrado iyo ciwaano aan jeclaan lahayn hadii aad isla baari lahaydeen Anagana iyo adinkuna aan isla baari lahayn fursada u horeysa ee aan isu hello (si aynu isula gaaro)asalka shareecada iyo maslaxada siyaasada kaasoo ah maqsadka Ugu sareeya ee maqasida shareecada sida uu yiri Abu ISxaaq Ashaadibi:Shareecadu Waxayba u timid masaalixda adoomada.
DR Cabdullaahi Cumar Nasiif
Madaxa Golaha Dawladaha Islaamka
Al-Callaamah Cabdullaahi ibnu sheikh Almaxfuud bin beeh
Madaxa xarunta caalamiga ah ee
Cusboonaysiinta iyo hanuuninta
Fataawadii oo carabi ah halkaan ka akhri: http://www.islamtoday.net/albasheer/artshow-12-114405.htm
Waxaa turjumay
Xasan Ciise Barre
xcbarre@hotmail.com
|
|