|
Manchester ayaa ka guulaysatay kooxda Aston Villa kaddib markii Wayne Rooney uu bedelay Michael Owen oo ku dhaawacmay ciyaarta una dhaliyay kooxdiisa goolka guusha, ciyaar Axadii ka dhacday garoonka Wembley.
Goosha uu dhaliyay Wayne Rooney ayaa noqonayso gooshii 28 aad ee uu dhaliyo sanad ciyaareedkan, ciyaaraha oo dhan.
Michael Owen ayaa isna dhaliyay gool barbar dhac ah ka hor intii uusa dhaawacmin, goosha ay dhalisay kooxda Aston Villa ayaa ahayd mid gool-ku-laad ah oo loo dhigay bilowgii qaybtii hore ee ciyaarta.

Rooneey wuxuu dhaliyay goosha guusha ay ku gaartay kooxdiisa Manchester
Gool-ku-laadka ay dhalisay Aston Villa ayaa timid kaddib markii Nemanja Vidic uu dhulka dhigay Gabriel Agbonlahor sidaasina looga dhigay kooxdaasi gool ku laad, waxay ahayd daqiiqadii afraad ee ciyaarta.
Garsoorka ayaanan siin karaka cas ciyaariyahan Vidic oo ahaa difaacii u dambeeyay kaddib markii dhulka uu dhigay Gabriel Agbonlahor, dad badan ayaa ku tilmaamay in Aston Villa ciyaarta lagaga badiyey sidaasi aawgeed.
Manchester United ayaa ku guulaysatay inay qaado koobka Carling cup ee dalka Ingiriiska sandkii labaad iyada oo mudadii 26 sanadood ee kooxdaan uu hogaaminayay Sir Alex Fergusson uu qaaday 34 koob oo kala duwan.

Koobka Carling Cup waa koobka sadexaad ee Ingiriiska, wuxuuna koobkani ahaa kii 50aad, iyadoo Manchester United laba jeer oo isku xigtay Axadii qaaday waana markii ugu horaysay mudo 20 sanadood ah oo kooxi laba jeer oo isku xigta qaado.
Wararka Cayaaraha Somalikudhan
info@somalikudhan.com
Nayroobi, Kiinya
|