|
Naadigaan ayaa ka tirsan horyaalka heerka koowaad ee dalkaasi kana mid ah horyaalada ugu horeeya ee caalamka, dhaqaalo xumada soo wajahday naadigaan ayaa la sheegay inuu noqday Naadigii ugu horeeyey taariikhda Premiere League Ingiriiska ee kaca ama falisa.
Naadiga ayaa mudo bil ah khalkhal maaliyadeed ku jiray kaddib markii dayn gaaraysa ilaa boqol million oo dollar lagu yeeshay.
Portsmouth waxa laga jari doona 9 dhibcood, taas oo xaqiijinaysa oo horseedaysa in ay dhacdo sanadkan, waana markii ugu horaysay oo ay league aduunka ugu qanisan arintani ku timaado.
Naadiga ayaa wada hadal kula jira dadkii ku lahaa daymanka iyada oo sidoo kale la wado heshiis ah sidii loo dhimi lahaa kharashka lagu leeyahay naadiga, sidoo kale waxaa iyana la raadinayaa cid iibsata naadiga.
Naadiga ayaa qarash gareeyay lacagtii uu haystay mid ka badan iyada oo taasina ay sababtay in naadiga lagu yeeshi dayman farabadan.
Warbixin hor le oo uu xidhiihdka Kubada cagta ee Yurub (UEFA) soo saaray, ayey ku sheegeen in Naadiyada Premiere League Ingiriiska daynta ay ku jiraan ay tahay ilaa 5 billion oo dollar ( shan kun oo million oo dollar), lacagtaasi waxay ka badan tahay marka la isku daro daynta ay qabaan dhamaan Naadiyada kubada cagta ee Yurub oo dhan.
Maamulka naadiga ayaa geeyay suuqa xaraasha si loo helo cid iibsata, Naadigan oo so jirey mudo 112 sanadood ah wuxuuna qaaday 2 mar koobka horyaalka Premier league ee dalkaasi sidoo kale koobka FA cupna waxay qaadeen laba jeer oo ay u dambaysay sanadii 2008.
Wararka Somalikudhan
info@somalikudhan.com
Muqdisho, Soomaaliya
|