Professor Dalxa: Hayaddaha Gargaarka Si Qalad Ah Ayay u Isticmaalaan Gargaarka Loogu Talo Galay SOomaalida
Posted at: 3/9/2010 5:23:00 AM
Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Baarlamaanka KMG Soomaaliya Professor Maxamed Cumar Dalxa ayaa ku eedeeyay hay'adaha gargaarka ee Qarammada Midoobay inay si khalad ah u isticmaalaan lacagta gargaarka shacabka tabaalaysan ee Soomaalida ah loogu talogalay.

 
Dalxa oo u waramayay TV-ga Al-Jazeera ayaa u sheegay in hay'addaha Qarammada Midoobay ay lacagihii gargaarka ee loogu talogalay Soomaalida tabaalaysan ay ku ijaarteen xafiisyo waaweyn sidoo kalena ay duulimaadyo dibadda ah ku samaystaan "Beesha Calaamka gargaarkii ay ugu talogashay dadka Soomaaliyeed ee lasoo marsiiyo ha'yadaha gargaarka waxay u Isticmaalaan si ka duwan sidii loogu talogalay, waxyana ku iibsadeen gaadiid qurux badan iyagoo ku kireystay guryo waaweyn" ayuu yiri Prof. Maxamed Dalxa.

Guddoomiye ku xigeenku wuxuu sidoo kale sheegay in hay’addaha Qaramada Midoobay ay qorteen shaqaalo aanan ka shaqayn gudaha Soomaaliya isaga oo ku eedeeyay inay sidaasi u yeeleen si lacag u helaan "Shacabkii loogu talogalo gargaarkan waxay ku dhimanayaan geedaha hoostooda, waana wax lala yaabo in Madaxda Dowladdu aysan ka hadlin arrintan oo aan ahayn mid qarsoon" sidaasi waxaa yiri gudoomiye ku xigeenka Baarlamanaka.

Wuxuu ku eedayay hay’addaha gargaarka inay dhaqaalaha loogu talogalay Soomaaliya ay u Isticmaalaan danahooda gaarka ah "Lacag si toos ah u gashay gacanta Dowladda Soomaaliya waa 3-Milyan oo Dollar oo keliya, waxaase loogu deeqay Boqolaal Milyan oo Dollar, mana jiraan wax kasoo gaaray" ayuu Dalxa.

Dhawaan ayay ahayd markii ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya uu dalbaday in hay’addaha Qaramada Midoobay ay xaafiisyo ka furtaan gudaha magaalada Muqdisho.

Wararka Somalikudhan
Info@somalikudhan.com
Muqdisho, Soomaaliya



User Comments

Post Your Comments
All comments are from visitors, not from Somalikudhan.com

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)

Warar Kale
Maqaallada
Arimaha Diinta
Ganacsiga
Cayaaraha
Caafimaadka
Copyright (c) 2009 - Somalikudhan.com