Maraykanka Oo Maxkamadaynaya Nin Eritrean ah oo lagu eedeeyay inuu taageeray Al-Shabaab
Posted at: 3/9/2010 5:42:00 AM
Dowladda Maraykanka ayaa maxkamadaynaysa nin u dhashay dalka Eritrea oo lagu eedeeyay inuu tababarro iyo dhaqaale siiyay ururka Al-Shabaab oo Maraykanku ku diray liiska waxa uu ugu yeero Argagaxisada.


 Ninkaan ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Ibraahim Axmed waxaana laga soo qabtay dalka Nigeria iyada oo maalintii sabtidii la gaarsiiyay Magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Ninkaan ayaa waxaa lagu eedayay inuu lacag dhan 3,000 oo dollar uu siiyay Al-Shabaab, sidoo kale uu tababaro qaabka loo sameeyo waxyaalaha qarxa uu ku siiyay qaybo ka mid ah gobollada Koofureed ee Soomaaliya halkaasi oo Shabaab ay gacanta ku hayaan.

Cajalado muujinaya ninkaan oo tababar bixinaya ayaa lasoo bandhigay iyada oo qarankeeda difaaca ninkaana uu sheegay inuusan wax dambi ah lahayn.

Tababarradan ayaa la sheegay inuu bixiyay sannadkii lasoo dhaafay ee 2009, inkastoo aanu isagu ka hadlin dambiga loo haysto, hadii dambiga loo haysto ninkaan uu ku cadaado wuxuu mudan karaa in ka badan 40 sano oo xabsi ah.

Ma ahan markii ugu horaysay ee dad ku eedaysan Al-Shabaab lagu soo taago maxkamad dalka Maraykanka.

Wararka Somalikudhan
Info@somalikudhan.com
Muqdisho, Soomaaliya



User Comments

Post Your Comments
All comments are from visitors, not from Somalikudhan.com

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)

Warar Kale
Maqaallada
Arimaha Diinta
Ganacsiga
Cayaaraha
Caafimaadka
Copyright (c) 2009 - Somalikudhan.com