War Saxaafadeed:Madaxweyne Shariif Ayaa Shalay Baarlamaanka Ingiriiska Kula Kulmay Xildhibaanno Ka Socda Labada Xisbi Ee Laborka iyo Conservative-ka oo Uu Hoggaaminayo Wasiir Muslim ah, Shahid Malik
Posted at: 3/9/2010 10:35:00 A
War Saxaafadeed: Madaxweyne Shariif Ayaa Shalay Baarlamaanka Ingiriiska Kula Kulmay Xildhibaanno Ka Socda Labada Xisbi Ee Laborka iyo Conservative-ka oo Uu Hoggaaminayo Wasiir Muslim ah, Shahid Malik


Republic of Somalia

The Presidency

Office of the Chief of Staff

Directorate of Communications

JS/XM/DOC/         /010                                            Date:03       /   09   /2010

 (London, UK, March 9, 2010). Shalay ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh Axmed waxa uu kula kulmay aqalka Baarlamaanka Ingriiska masuuliyiin uu hoggaaminayo Shaid Malik oo ah ah Wasiir Qaabilsan Maamulka Hoose iyo Jaaliyadaha ahna nin Muslim ah.

Wasiirka iyo masuuliyiinta kale waxa ay Madaxweynaha u sheegeen, in Soomaalida UK ay yihiin bulsho qiimo leh ayna dad yar oo fara ku tiris ah sida bulshooyinka kale danbi ku jiraan, kuwaasna aysan magaca Soomaalida ma talin.

Dhanka kale Wasiir Shahid Malik, waxa uu Madaxweynaha u sheegay in ay taageero buuxdo u hayaan gacan siinna u raadinayaan dowladda Soomaaliya, sababtuna waxa ay tahay ayuu yiri Shahid Malik, “ qaddiyaddiinna ayaa ah qaddiyad xaq ah oo ay tahay in la taageero, danta dalkayaga Britain ayaana ku jirta in aan gacan idin siinno.”

Waxaa kale oo Wasiirku iyo Xildhibaan ka socda xisbiga Conservative-ku ay Madaxweynaha u sheegeen in “taageerada Britain ay Soomaaliya u hayso ay tahay mid ay xisbiyadu ka midaysan yihiin; taasna laga fahmi karo kulanka ay arbacada berri ah ku ballansan yihiin Madaxweynaha Soomaaliya iyo xildhibaanka xisbiga conservative-ka u u qaabilsan arrimaha dibadda mudane William Hague.

Warfaafinta Madaxtooyada: media@sompresidency.org



User Comments

Post Your Comments
All comments are from visitors, not from Somalikudhan.com

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)

Warar Kale
Maqaallada
Arimaha Diinta
Ganacsiga
Cayaaraha
Caafimaadka
Copyright (c) 2009 - Somalikudhan.com