|
Dagaalka ayaa bilaawday kaddib markii kooxaha mucaaradka weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda KMG ku leeyihiin degmada Cabdicasiis, dagaalka ayaa la sheegay inuu markii dambe isku badalay mid fool ka fool ah.
Madaafiic ayaa la sheegay in lagu garaacay qaybo ka mid ah xaafadaha dadka rayidka ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadaha ku yaala waqooyiga Muqdisho.
Inta badan dagaalada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxaa waxyeelada ugu badani ay kasoo gaartaa dadka rayidka ah.
Wixii warar ah ee kusoo kordha hadii Alle idmo kala soco wararkeena dambe.
Wararka Somalikudhan
info@somalikudhan.com
Muqdisho, SOomaaliya
|