|
Markabka ayaa la sheegay inay ka qabsadeen burcad badeeda Soomaalida galbeedka badweynta Hindiya, markabka ayaa lagu magacaabaa FV Sakoba.
Baaxadda markabkaasi iyo shaqaalaha saran cidda ay u dhasheen ayaan ilaa haatan la ogeyn, balse ciidamada la dagaalama burcad-badeeda ee Midowga yurub ayaa sheegay in markabkaasi uu haatan ku sii wajahan yahay magaalada Xarardheere oo ah saldhig ay burcad-badeeddu dagan yihiin.]
Waxaa jira wara sheegaya in 10 ka mid ah shaqaalaha saran ay u dhasheen dalka Kenya, Markabkaan ayaa ka shaqayn jiray inta u dhaxaysa dekada magaalada Mombasa ee dalka Kenya iyo dekkda magaalada Dera-Salam ee dalka Tanzania.
Ciidamada Midowga Yurub ayaa kordhiyay dadaalkooda ay ku carqaladeynayaan howlaha burcad-badeedda, waxayna sheegeen in tan iyo jimcihii ay qabteen 40 burcad-badeed iyo laba markab oo nooca waaweyn ah oo ay burcad-badeeddu weerarada ka qaadaan.
Wararka Somalikudhan
info@somalikudhan.com
Muqdisho, Soomaaliya
|