Gacansiin Milateri
Posted at: 3/10/2010 3:43:00 A
General William Ward waxa uu u xogwarramayey guddi ka tirsan golaha Senate-ka

 
Waxanu warbixintiisa ku sheegay inuu jiro qorshe haatan socda oo ah in gacanta lagu qabto magaalada Muqdishu

Generaalku faahfaahin kama bixin qorshaha milateri, waxase uu sheegay in Maraykanku uu taagerayo dedaalkaas ah sidii looga saari lahaa kooxaha xagjira degaannada ay haystaan, looguna soo celin lahaa gacanta dawladda. Waxanu intaasi raaciyey in hawgalladani ay wax ka tari doonaan wax-ka-qabashada deganaansho la'aanta Somalia

“Waa arrin run ahaantii aannu gacan ka geysan karno, ilaa heer, in dawladda federaaliga ahi ay gacanta ku wada dhigto dhammaan magaalada Muqdishu, iyada oo la kaashanaysa ciidamada AMISOM iyo meelo kaleba” General William Ward, head of US Africa Comman

Dawladda iyo AMISOM

Dawlada KMG ah iyo ciidamada AMISOM, waxay iyaguna beryahani danbe aad u hadal hayeen olole milateri oo kama-dambays ah oo ay damacsan yihiin inay ku qaadaan kooxaha islaamiyiinta ah, gaar ahaana ururrada al-Shaaab iyo Xisbu-Islaam, oo ay kaga saaran magaalada Muqdishu, iyo degaannada kale ee ay haystaanba.

Somalia iyo Maraykanka

Dawladda Maraykanku waxay sanaddii hore kor u qaadday gargaarki ay u fidin jirtey Somalia, waxayna dawladda ku-meel-gaadhka ah siisay hub, si ay iskaga caabbiso kooxaha islaamiyiinta.

Toddobaadkii horena, warbixin lagu soo daabacay jariidadda The New York Times ayaa soo xigatey sarkaal Maraykan ah oo aan la magac-dhebin, hase ahaatee sheegay inay suurtogal tahay in ciidamada hawlgallada milateri ee gaarka ah ee maraykanku ay ka caawin doonaan dawladda Somalia inay ka saarto magaalada Muqdishu ururrada xag-jirka ah.

Diyaarado Sahan

Wararka laga helayo gobollada koonfureed iyo kuwa dhexe, waxay iyaguna bilahani danbe ka hadlayeen diyaarado noocyo kala geddisan ah oo loo malaynayo inay yihiin kuwa sahanka oo soo gala hawada gobolladaas, degaannadaasi oo inta badan gacanta ay ku hayaan ururrada islaamiyiinta ah ee ka soo horjeeda, dagaalkana kula jira dawladda Somalia.

Faragelin Hore

Ma noqon doonto arrintani markii ugu horaysey ee maraykanku farageliyo Somalia, intii ay jireen dagaallada sokeeye. Waxase dadweynaha Maraykanka weli ku sii dheggan xasuustooda hawlgalladii 1990-yadii ee markii hore ku bilaabmay gurmad degdeg ah oo gargaar lagu gaadhsiinayo dadweynihi ku tabaaloobay abaaraha, laakiin ku danbeeyey in bishii Oktoobar ee 1993 in Maraykanka lagaga dilo Somalia ilaa 18 askari, kuwaas oo qaar ka tirsan meydkoodii la jiidjiidey suuqyada magaalada Muqdishu.



User Comments

Post Your Comments
All comments are from visitors, not from Somalikudhan.com

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)

Warar Kale
Maqaallada
Arimaha Diinta
Ganacsiga
Cayaaraha
Caafimaadka
Copyright (c) 2009 - Somalikudhan.com