Galgaduud: Abaaro ay dad u dhinteen
Posted at: 3/10/2010 3:58:00 A
In ka badan 10 ruux ayaa abaaro ugu dhintay gobolka Galgaduud, qaar ka mid ah degaanada gobolka Galgaduud ayaa laga sheegayaa in abaarro daran iyo Bayo la'aan soo food saartay dadka iyo duunyada ku dhaqan tuulooyinka gobolkaasi.

 
Caruur iyo dad waayeel ah ayaa la sheegayaa inay u badnaayeen dadkii u dhintay abaaraha ka jira degaanada gobolka Galgaduud, Nabadoon Muuse Xaanshi oo ka mid ah dadka ku dhaqan deegaannada Abaarrtu ka jirrto ayaa warbaahinta u sheegay in maalmihii aynu soo dhaafnay ay haraad daran u dhinteen Caruur iyo dad waayeel.
 

Fuustadii biyaha ayaa la sheegayaa inay gaartay 100,000 oo Shiling Soomaali ah.
Hay'adda ICRC ayaa bilaawday bilaawday inay tuulooyinka gobolka Galgaduud gaarsiiso biyo, masuuliyiin u hadashay hay’addaan ayaa sheegtay inay biyo dhaaminta ay wadaan aysan ku filnanyn dadka dhibaataysan. 

Nabadoon Muuse Xaanshi ayaa ka codsaday Hay'addaha Samafalka iyo dadka kale ee Soomaalida inay gargaar lasoo gaaraan dadka Abaarta iyo Biyo la'aanta u dhiminaya. 

Sanadihii lasoo dhaafay ayaa waxaad degaanada gobolka Galgaduud aanan laga helin roobab ku filan, waxaana intaa u dheer in ay jiraan dad badan oo ka soo barakacay dagaallada ka jirra Caasimada Muqdisho oo ku biiray dadkii markii horeba iska dhibaateysnaa. 

Wararka Somalikudhan
info@somalikudhan.com
Dhuusamareeb, Soomaaliya



User Comments

Post Your Comments
All comments are from visitors, not from Somalikudhan.com

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)

Warar Kale
Maqaallada
Arimaha Diinta
Ganacsiga
Cayaaraha
Caafimaadka
Copyright (c) 2009 - Somalikudhan.com