|
Xoghayaha horumarinta caalamiga ah ee Britain, Douglas Alexander ayaa maanta ku dhawaaqay in ay Britain lacag ka badan sagaal iyo toban million oo dollar ugu deeqday Soomaaliya.
Lacagtaan ayaa waxaa la sheegay in lagu bixin doono cunto gargaar ah oo degdeg ah iyo biyo nadiif ah iyo dawooyin kuwaasi oo si deg deg ah loo siin doono dad lagu qiyaasay in ay ka badan yihiin sadex million oo qof oo Soomaali ahi, kuwaasi oo intooda badan ku nool koofurta Soomaaliya.
Gargaarkaan ayaa sidoo kale waxaa uu noqon doonaa mid wax looga qaban doono dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya.
Idaacada VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa heshay warbixintaan, waxana idaacadu sheegtay in deeqda loogu deeqay Soomaaliya ay u kala qaybsami doonto laba qaybood.
Qaybta hore ayaa waxay ka koobantahay in kabadan 11 milyan oo Doolarka Maraykanka ah oo la sii marin doono hay’adaha gargaarka sida UNICEF Iyo Laanqayrta Cas, qaybta kale oo ka kooban in kabadan 8 milyan oo Doolar ayaa lagu bixin doona adkaynta nabadda iyo dib u heshiisiinta.
Wafdiga uu hogaaminayo madaxweynaha dowladda KMG ayaa ku sugan magaalada London ee caasimada dalka Britain, wafdigaan ayaa la kulmay masuuliyiin ka tirsan dowladda Britain kuwaasi oo ay ka mid yihiin Xogahayaha arrimaha Africa iyo Qaramada Midoobey Glenys Kinnock , Xogahayaha u qaabilsan Britain arrimaha Jaaliyadaha Shahid Malik.
Sidoo kale wuxuu madaxweynaha la kulmay Ra’iisul-wasaaraha Britain Gordon Brown, Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sida wararku tilmaamayaan u bandhigay madaxda Britain baahida ay Soomaaliya u qabto nabad waarta.
Wararka Somalikudhan
info@somalikudhan.com
Muqdisho, Soomaaliya
|