|
Ugu yaraan 30 ruux ayaa ku dhimatay in ka badan 80 kale dhaawac ayaa kasoo gaaray dagaalkii maanta ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, dagaalka ayaa saakay aroortii bilaawday iyada oo madaafiic lagu garaacay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.
Dadka dhintay ayaa waxay u badnaayeen dad rayid ah hase ahaatee waxaa jira warar sheegaya in qaar ka mid ah ciidamadii Al-Shabaab iyo kuwa dowladda KMG ay ku dhinteen, saraakiil sare sare oo ka tirsan Xaradaka Shabaab ayaa la sheegay inay ku dhinteen dagaalka hase ahaate ma jirto ilaa iyo haatan cid xaqiijisay wararkaas.
Dad Goob joogayaal ah ayaa sheegay inay deegaanka degamada Cabdicasiis uu dagaalku saakay ka bilaawday, waxaynu wararku sheegeen inuu si kedis ah ku bilaawday.
Dagaalka ayaa galabta ku fiday xaafado ka mid ah degmooyinka Cabdicasiis, Kaaraan iyo Yaaqshiid, ciidamada AMISOM ayaa ka qayb qaatay dagaalka.
Inta badan dagaalada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxay waxyeelada ugu badani kasoo gaartaa dadka rayidka ah.
Wararka Somalikudhan
info@somalikudhan.com
Muqdisho, Soomaaliya
|