Ma ogtahay in Beeruhu sababeen nabaad guurka Dhulka? Sidoo kalese malasoctaa in Xooluhu yihiin bacrimiyaasha dhulka? Maxaa kala haysta xoolaleey iyo Beeraleey?
Posted at: 8/18/2009 7:45:00 A
Beeraha. Aqriste sida aad lasocto Beeruhu waxa ay qeeyb ka yihiin nolosha aadanaha iyadoo beer la'aanteed aaneey jiri karin Nolol Rasmi ah, lase noolaan karo. Waxaa jira dad ku nool Hilibka xoolaha iyo Caanohooda oo qura, iyagoo ka maarmey wax soo saarka beeraha, hase yeeshee waxaa hubaal ah in aysan dhameeystireen hab ekaanshaha fitimiinada Jirka ee qofka nuucaan oo kale ah.

 

 

Dhinaca kale waxaa jira dad iyagu ku nool wax soo saarka beeraha oo qura, sida qudaarta, iyo dalaga kale, iyadoo sidoo kalene dadkaan aysan aheeyn kuwo noloshoodu u dhameeystireen dhinaca Fitimiinada.

Beeruhu waa muhiim, waxayna leeyihiin wax tar aad u sareeya iyaga oo qeyb ka ah dhaqaalaha dalkasta.

Wax yeeladad Beeraha.

Beeruhu waxa ay keenaan in la baa bi'iyo dhul wayn oo hawd ah, kaasoo ay ku noolaan jireen duur joog fara wayn iyaga oo ka hayaama deegaankaas.

Dhinaca kalene waxa ay sababtaa Beertu in dhulku kadhamaato Macdanta, taasoo ugu danbeeynta beeraha ka dhigto kuwo xaalufey oo aan wax tar u laheeyn beertaha.

Xoolaha.

Xooluhu, waxaa ay ka ciyaaraan nolosha aadanaha kaalin muhiim ah sida:-

1. Quudashada Hilibkooda.

2. Cabista Caanohooda.

3. Isticmaalka Dhogorta, iyadoo la sameeynayo Ho' (Dhar).

4. Haraga xoolaha oo laga sameeysto, Kobaha, Masale (Saliga lagu dukado), Durbaanka loo isticmaalo isgaarsiin ahaanta xiliga colaadaha, ciyaaraha iyo farxada IWM.

5. Waxay qeyb ka qaataan bacriminta Beeraha, maadaama ay Saaladoodu qeyb ka noqoto Bacriminta.

6. Dhinaca kale waxaa si toos aan aheeyn shaqo uga hela xoolaha malaayiin dad ah oo ku nool caalamka, maadaama manaafacaadkooda kala duwan loo qaado war shaqo kala gadisan.

Beeraleeyda iyo Xoolaleey Maxaa kala heeysta?

Qofkasta oo ku nool, wadan leh labada qeeyraad ee Xoolaha Nool iyo Beeraha, waxaa uu durba soo xasuusanayaa is heeysadka ka dhexeeya labada qawmiyadood ee Beeraleey iyo Xoolaleey.

 

Sida aad ku aragtey qoraalka sare labadaba waa muhiim, hadane dadka kala leh xirfadahaan isma jecla.

Xooluhu waxay u baahan yihiin deegaan ay daaqsin fiican ka helaan, iyadoo xoolaha qaar xiliga Go'ga aananba la xadidi karin, sida Geela.

Geelu waxa uu u Naq raadsadaa meel aaneey xoolaleeydu ku ogeeyn Roob iyo Aaran Toona, iyadoo xiligaas Geeljiruhu ku qasbanyahay in uu daba raaco oo qura Geela, isaga oo markaas meeshii uu rabey geeya kadibne soo war galiya ciddii ay ka Roob doonteen isaga iyo Geelu.

Tan waxa ay sababtaa in mararka qaar Dhul beereed, beeran uu ku soo aado Geelu, kadibne halkaas Geel jiruhu kula dagaalo Beeraleeyda maadaama uusan ka qaban karin Geela Beerta iyo dhulka uu naqqa u soo aadey.

Sidaas ayaane had iyo jeeraale ay isku hayaan Xoolaleey iyo Beeraleey, iyadoo ay jirto maah maahdii Carbiga iyo Soomaaliga ka koobneeyd ee lahayed "Kulli Fidna, Cinta Geel"

Ismail Warsame Ali (Kudhan)

Barnaamijka Maqaalada www.somalikudhan.com news page

Nairobi Kenya.



User Comments

Post Your Comments
All comments are from visitors, not from Somalikudhan.com

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)

Warar Kale
Maqaallada
Arimaha Diinta
Ganacsiga
Cayaaraha
Caafimaadka
Copyright (c) 2009 - Somalikudhan.com