|
Xoghayaha Guud ee Mu’tamarka Islaamka oo bayaan uu ka soo saaray xaaladda dalka Soomaaliya saxaafadda loo akhriyay ayaa waxa uu ku sheegay inay ururkaasi uu mar kale cusbooneysiinayo dar-dargelintii ay ugu jireen sidii ay u soo afjari lahaayeen sidii ay isugu soo dhoweyn lahaayeen dhinacyada isku haya dalka Soomaaliya si xal loo gaaro loona soo afjaro dhibaatada muddada dheer ka jirtay dalka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay xoghayaha guud ee Mu’tamarka Islaamka inay aad uga xun yihiin dagaallada dhiigga badan uu ku daadanayo ee ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya iyagoo lagu gudo jiro bisha Ramadan ee Ilaahay barakeeyay, wuxuuna intaasi ku daray inuu si gaar ah u codsanayo in dadaalada nabadda iyo xal raadinta la badiyo lana tixgeliyo bisha Ramadan.
Hadalka xoghayaha guud ee Ururka Mu’tamarka Islaamka caalamka ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli ay magaalada Muqdisho iyo gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ka soconayaan dagaallo uu dhiig badan ku daadanayo oo u dhexeeya dawladda federalka iyo xoogagga Mucaaradka iyagoo dhinacba dhinaca kale ku eedeynaya inuu ka dambeeyo colaadda.
Wararka Somalikudhan
info@somalikudhan.com
|