|
Culimadani waxa kale oo ay intaasi raaciyeen in daawadaasi aysan kaliya hoos u dhigi doonin miisaanka qofka buudhan balse ay sidaas oo kale hoos u dhigi karto heerka cudurka kaadi macaanka,(diabetes) iyo dhiig dufanawga (cholesterol).
Daawadaan oo ay culimada caafimaadku ku magacaabeen fatostatin ayaa waxaa la sheegayaa in ay jirka ka ilaaliso in uu cayilo, waxana rajo aad u weyn ay ka qabaan in taasi ay horseedi doonto oo ay wax weyn ka tari doonto dagaalka dadku kula jiro cudurada Kaadi macaanka iyo cholesterol-ka dhiigga.
Daawadaan Fatostatin ayaa waxa ay hoos u dhigaysaa sida ay qabaan culumada soo saartay miisaanka jirka, sonkorta dhiigga (blood glucose) iyo xayrta beerka.
Daawadaan oo imminka lagu tijaabiyey Jiir ayaa dhaqaatiirta qaar waxa ay shaki aad u weyn ka qabaan sida ay wax uga tari doono ruux beniaadami ah.
Hormone lagu magacaabo leptin ayaa waxa ay leeyihiin dhaqaatiirta aan ku qanacsanayn soo jeedinta dhaqaatiirtan, waxa uu hoos u dhigaa oo kaliya miisaanka Jiirka, laakiin taasi waxba uma gasho ayey leeyihiin dadka qaba cudurka kaadi macaanka.
Laakiin Salix Wakil oo isagu barre ka ah College-ka caafimaadka ee Baylor ee ku yaala gobolkaTaxes ee dalkaasi Mareykanka isla markaana ka mid ah dhaqaatiirta ku hawlan soo saarista daawadan ayaa sheegay in uu aad ugu kalsoon yahay in daawadaani ay wax weyn ka qaban doonto cudurada Kaadi macaanka, Dufanawga dhiigga iyo jirka oo miisaankiisu kordho, ayna aad uga duwan tahay waxa ay sheegeen dhaqaatiirta iyagu dooda ka keenay wax tarka daawadaas.
Max'ed Xsan Afrax (Jala)
Mr.jala@hotmail.com
Wararka caafimaadka Somalikudhan
info@somalikudhan.com
|