Duruus ku saabsan Ramadaanka iyo waxyaabaha soonka Buriya
Posted at: 9/1/2009 3:48:00 AM
WAXYAABAHA AAN SOONKA BURIN Waxaa jira waxyaabo badan oo aan soonka jebin balse dad badan oo aan cilmi u lahayn ay rumeysan yihiin in ay soonka jebiyaan; waxyabahaas aan soonka burrin waxaa ka mid ah:

(1) Dhamaan WAXYAABAHA SOONKA BURRIYA (JEBIYA) oo aan soo xusnay haddii ay dhacaan ama la sameeyo ayadoo la hilmaansanyahay (NISYAAN) ama gef ku dhacay (KHADA’), ama jaahilnimo u geysay (JAHLI) ama lagu khasbay (IKRAAH) soonka waxba uma dhimayaan.

Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) waxaa uu yiri: "Qofkii is illaawa isagoo soomman oo wax cuna ama cabba waa in uu dhameystaa soonkiisa, waayoo waa cunto iyo sharaab Alle (S.W.) siiyay". (Macnaha risiq Ilaahey siiyay bay ahaayeen wixii uu illaw ku cunay ama ku cabbay). (Muttafaqun Caleyhi - Laysku raac).

Sidoo kale Nabigu wuxuu yiri: "Illaahey waa ka cafiyay ummaddeyda wixii ay gaf (si kama ah), ama hilmaan u sameeyeen ama lagu qasbay"

(2) Qofka haddii uu isku janaabo ama isaga iyo haweeneydiisu ay wada cayaaraan habeenka Ramadaanka ee uu waagu ku baryo iyagoon weli qubaysan soonkoodu waa u jiraa (yacni maalintaas waa soomi karaan, haddii ay habeennimaddii niyeysteen in ay soomayaan maalintaas). Waxaa daran in ay wax galmo ah sameeyaan kadib markuu waagu baryo.

Caa’isha (A.K.R.) iyo Ummu Salama (A.K.R.) waxay yiraahdeen: Mar kasta oo Nabigu (S.C.W.) waagu u beryo isagoo aan daahir ahayn (yacni la galmoodo xaas ka mid ah xaasaskiisa iyadoo aysan aheyn riyo habeenkii ku biyo bax) waxuu (S.C.W.) la imaan jiray qubeys oo soomi jirey. Bukhaari iyo Muslim.

SIDOO KALE

Caa’isha (A.K.R.) waxay tiri: "haddii Nabigu (S.C.W.) waagu u beryo isaga oo la galmooday Xaas ka mid ah xaasaskiisa, wuu qubeysan jiray sida caadiga ah". Bukhaari iyo Muslim

(3) Dadka qaarkood waxay ka cabsadaan in ay subkadaan ama ay kareem is mariyaan, ama in ay barafuunka la isku buufiyo ama bakhuurka la is mariyo ama fooxa la shito ay isticmaalaan. Waxaas oo dhan soonka ma jebiyaan.

(4) Qofka haddii sankiisu dhiig ka yimaado (san-goror) ama uu ilig iska rido ee sidaas dhiig uga yimaado, wax dhibaato ah malaha soonkiisuna waa saxiix waxaase laga rabaa in uu san liqin ee iska tufo.

(5) Toobinka - Toobinka markii hore wuxuu kamid ahaa waxyaabaha soonka burriya laakiin dib ayaa laga nasakhay. Nabiguna (S.C.W.) waxuu is toobay isagoo sooman. Sidoo kale toobinka waxaa la mid ah oo aan soonka burin dhiigga yar oo miikariskoobka lagu eego oo sheybaarradu ka qaadaan dadka.

Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Markii u horeysay oo toobidda qofka soomman loo diiday waxay ahayd markii uu Jacfar bin Abii Daalib (A.K.R.) is toobay isagoo sooman, oo Nabigu (S.C.W.) soo maray oo yiri: "Labadaaniba waxay buriyeen soonkoodii." Wixii markaas ka dambeeyayna Nabigu (S.C.W.) wuu u fasaxay inuu is toobo qof kasta oo sooman, Anasna wuxuu is toobi jiray isaga oo sooman. W.W. Ad-Daaraqudni oo sheegay inuu yahay Qawi. Xadiiskuna waa saxiix.

(6) Xuqna : suufka daawada leh ama sumboosto farjiga ama dabada la iska geliyo.

(7) Taqdiir : goojo dhegaha ama sanka lagu dhibciyo.

(8) Indha kuusha indhaha la marsado.

(9) tisxi dukhsi duulaya, boor, barafka cirka ka da’a oo dhuunta ku carara (gala).

(10) Cunto dhadhamin, waxaase shardi ah in aan cuntada la liqin, ama aysan gaarin "xarafka X meesha uu kasoo boxo".

(11) cadayashada : rumeysashada iyo luqluqashada.

(12) biyo is marmarin (isku qaboojin) ama maro la qooyay oo la is mar mariyo.

(13) In dhegaha la dhukaydo ama ciddiyaha la iska jaro, ama ilkaha oo la iska bix-bixiyo.

Gebagebadii, qoraalkan waxaan kusoo xirayaa nasteexo caam ah oo aan u gudbinayo dhammaan muslimiinta iyo nafteydaba, waxaana leeyahay aan ka faa’iideysanno fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan. Lama oga in ay nasoo mari doonto bil kale oo Ramadaan; haddaba, yaan laga dhoohnaan fadliga, ajarka iyo xasanaadka aan kasban karno haddii aan si dhab ah u wajahno guntigana dhiisha isaga dhigno wa hubanti ajar leh.
 

 

Faalooyinka Diiniga ee Somalikudhan
Info@somalikudhan.com



User Comments

Post Your Comments
All comments are from visitors, not from Somalikudhan.com

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)

Warar Kale
Maqaallada
Arimaha Diinta
Ganacsiga
Cayaaraha
Caafimaadka
Copyright (c) 2009 - Somalikudhan.com