|
Cilmi baaristan oo lagu soo daabacay wargayska BJOG, ayaa waxa ay soo jeedinaysaa in daawooyinkaasi ay cilad ku keeni karaan soo saarka caanaha ee naaska hooyada.
Cilmi baarayaasha jaamacadda Swansea ayaa iyaguna sidaas oo kale sheegay in daawooyinka xanuun baabi'yaashi ahi ay sidaas oo kale leeyihiin waxyeello la mid ah tan hooyooyinka loo siiyo dhiig joojinta dhalmada ka dib.
Cilmi baarayaasha ayaa waxa ay aaminsan yihiin in daawooyinkaasi ay curyaamin karaan awoodii ay hooyadu caano ku soo saari lahayd.
Dr Sue Jordan oo ah haweenay dhaqtarad ah oo iyadu hogaaminaysa kooxda dhaqaatiirta ee cilmi baadhistan samaysay ayaa sheegtay in haween badan aan warbixin ku filan laga siin daawooyinka ay suurta galka tahay in la siiyo xiliga dhalmada, taas oo haweenka qaar aysan u baahnayn in la siiyo maadaama uu yar yahay dhiigbaxooda.
"Waa muhiim in haweenku ay fahmaan qatarta " ayey tiri Dr Sue Jordan.
Wararka caafimaadka Somalikudhan
info@somalikudhan.com
|