Madaxweyne cadaaladdii xageebay ka baxday aad nagu jihaad/dagaal gelin jirtay?.
Posted at: 9/3/2009 2:18:00 AM
KU: ODAYAASHA BEELAHA HAWIYE KU: HAYADAHA SAMAFALKA KU: DHAMAAN DADKII KU BARAKACAY, EHELADOODII KU NAFWAAYEY, KU DHI BTOODAY TACADIGII CIIDAMDA ITOOBIYA IYO KAL KAALIYEYYASHOODII KU: URURADA WAXBARASHADA KU:URURKA GANACSATADA KU: URURKII DIB U XOREYNTA SOOMAALIYEED ( MAXAAKIMTA, QURBO JOOGTA, BARLAMANKA XORTA, IYO BULSHADA RAYIDKA AH

Markaan dib u laabto Madaxweynaha manta wuxuu  ahaa guddoomiyihii maxakamadaha, markii  ciidamada itoobiyanku kala waregeen si xoog ah talada dalka. Ayaa hadana  shirkii Eritereya  markale waxaa loo doortay inuu noqdo gudoomiyaha dib u xoreynta soomaaliya, 

Odayaasha beesha hawiye waa urur u xusul duubtay oo naftooda u huray inay wax ka yiraahdaan dhibatada loo geysanayo dadka reer koofur qaasatan reer muqdisho, waxay si toos ah iyo si dadban ugu xuubsiibteen iney aaladaha is gaarsiinta ka shegan falalka cadawtinimadda leh e ittobiyaanku kula kacayeen ummadda soomaliyeed, Waxay  dagaal nooc walba ah la galeen  ciidamadii itoobiyanka iyo kuwii dowlad ku shega uu oran jiray Madaxweynaha  manta Shiikh Skhariif  Shiikh Axmed.  Waxay odayaasha hawiye, Madaxweynaha manta, iyo shacabkii la dhibateeyey ay qabeen in mar dowlad ay hogaaminayaan ururkii dib u xoreynta timaado, Markaana lala xisaabtami doono dadkii ka danbeyey xasuuqaas dhacay ee Madaxweynuhu uu ka dhihi jiray meel walba  in daDkii ay ciidamadda itoobiyanku xasuuqayaan, hantidii burburinayaan,dumarkii  kufsanayaan , dhacayan hantidii dadweynaha.

Waxaa magaalada xamar ka jiray iskoolo dhamantood  loo geystay burbur, waxaa ku waxbarasho waayey  illaa 100.000 arday kor u dhaafeysa , waxaa la burburiyey Jaamacadihii Muqdusho, Waxaa la degay oo xeryo ciidan laga dhigtay masaajidadii, waxaa la laayey dad shacab ah oo tiro badan.  Waxaa si barer ah loo dumiyey isbitalddii dalka  ka jiray oo konton  kor u dhafayey kuwo waaweyn iyo yaryar isugu jira, Waxaa la laayey weriyeyaal, la bililiqeystay aaladdah isgaarsiinta, Waxaa la burburiyey lana bililiqeystay waarshadihii  ka jiray magaaladda Muqdisho oo kor u dhaafayey 70 warshadood waaweyn iyo yaryar isagu jira, Waxaa la bililiqeysatay qalab yaalay dekada weyn ee muqdisho. Waxaa la barakiciyey dad  labo million shacab kor u dhaafay.  

Hadaladii kal kaaliyeyeyasha  ciidamadda itoobiya waxaa ka mid ahaa, dadka waa la leeynayaa shacabka ah, halaga daba qaado caanaha iyo biyaha ciidamda itoobiyanka, ciidamad itoobiyaanka waa walaalahayaga,  Waxaa soo laabanaya 1991 kii wixii dhacay . Bakaaraha hala burburiyo, hantidda taala hala dhaco, iyo wax la mid ah.

Hadalada odayaahsa beelaha hawiye waxaa ka mid ahaa, Dadka dhibka halagdaayo, Xasuuq baa dhacaya, Kufsi baa jira, Adduunka ha ogaado iney waxaas jiraan.

Ururkii dib u xoreynta waxuu lahaa, gaaladda halaga xoreeyo dalka, yaanan la is dhiibin, jihad hala galo, Taakuleyn hanala siiyo. Itoobiya dalka haka baxdo, iyo ugandha ha baxdo iyo wixii la mid ah.

Somali diaspora waxey lahayeen stop ethiopia the Genocide in Somalia, Ethiopia out of Somalia . Meel kasta soomali joogto ka banana  baxeen, Sida  London, Toronto, Seattle, Minisoto, Australia, Norwey, Sweden,

Alshababku dagalka ayeey  wax ka wadeen,  maantana qof walba oo taagersanaa dowladdii dabadhilifka waxuu ku leeyahay alshabaab ayaan ahay taas oo ah munaafaqnimo.

Haddaba Madaxweynoow intaas oo urura ah iyo dadweynihii milyammadka gaareyey waxey ku weydiinayaan aaway cadaaladdii lagaa filayey ee dadka labada milyan lagu qixiyey,  jamacadihii lagu burburiyey, iskooladii lagu baabi’yey, ganacsigii lagu dabargooyey, warshadihi lagu bililiqeystay, kumanaan rayid ah ku nafwaayey, dumarkii lagu kufsaday baadilnimada, aaway cadalada ay kaa sugayeen xaasaskii aad wiilashooda iney is qarxiyaan ku amartay oo ka soo jeeda dadka halganka safka hore uga jira ee reer HIIRAAN MAANTANA AAD KU FIIRSANEYSO IN CIIDAMO ITOOBIYAN SOO GALAAN DHULKOODII SOOMALIYEED.. Waxaa xusid mudan ALLAHA U NAXARIISTEE  ASPARO uu ku dhintay amarkaada uuna ahaa nin muwaadin dhab ah, waxuu ahaa nin milyineera, ka soo laabtay dalka CANADA, islamarkana u halgamayey dalkiisa, MAXAAD CARUURTISA U SHEEGEYSAA OO CADAALAD AH MARKA AAD ABAAL MARIN CIIDAMEED IYO JAGO WASIIRNIMO SIISAY  xulufaddi itoobiyaanka oo aad dagaalka kula jirtay,  Sidee wax kaa noqdeen, CAAQILKII REER HIIRAAN WAXUU YIRI “ HASHU MAANKEY GADAYE MA MASAARBEY LIQDAY” Aaway, oo aaaway, oo aaway hiilkii lagaa sugayey ee cadaaladda ahaa.

Madaxweynow mala socotaa in safiraddi hore ee lagu magacabay dowladdi dabadhilifka aad dagaalka kula jirtay iyo wasiiro hada dowladda ku jira in ay wadaan lugooyo adiga lagugu majaxaabinaya iyo in qasku ka tagnado magaaladda muqdisho si meelaha ay ka yimaden loogu raro dowladda taasoo hadey dhacdo aad madaxa iska toogatay,

Ugu danbeyntii  dadwenaha soomaliyeed ee dhibatada ba’an soo gaartay maahan inaad aamustaan waxaad xaq u leedihiin inaad ka hadashaan dhibkii dhacay isla markana aad dowladda ku qasabtaan iney wax ka qabtaan  mar haddi dowladu ay tahay u adeegaha bulshada.  Sidoo kale aaladaha warbaahinta waxay si fiican ula socdeen dhibkii dhacay marka waxaa ila haboon si cadalad loo helo inaad doorkiina ka qaadataan soo ifbixinta cadaala daraddii dhacday madaama markii horeba aad soo  if bixin jirteen dhibka dalka iyo dadka lagu hayo.

Talo soo jeeedin Madaxweynaha.   Madaxweyne si aad ula socoto dareenka shacabka akhriso joornaladda, websityada, dhageyso idacadaha gudaha iyo dibeda si aad u ogaaato waxa dhabta ah ee jira ee haku ekaan keliya in  qol lagugu soo xiro oo laguu waramo anoo tixgelinaya in waqtigu uu qaliil kugu yahay. Waxaan kaloo kuu soo jeedin lahaa in dowladada aad wax weyn ka bedesho in tey goori goor tahay  ayna noqoto Dowlad u eg dowlad soomaliyeed,  (Bill Clinton said, I will give you an administration that looks like America), Dadka soomaliyeed waxay kaa sugayaan maamul u eg maamul soomaliyeed. The Somali people loudly saying we the people of Somalia waching you close ayes, YOU CAN NOT BE JUDGE AND THE JURY. Dadkii denbiyada geystay iney wasiiro, taliyeyaal ciidamo,  Safiiro,  ahaadan maloo dulqadanayo.

Mr president time is running,  Waxaan ku sugeynay ilaa intad madaxwenaha noqotay kaamana aragno dadkii aad u dagalameysay in denbiyaddi laga galay la soo hadal qaado, Waxaan filayaa hadaad  dhibanyaashaas u hadli laheyd iney hiil kuu noqon lahaayeen Xisbula islamana uusan ku weerareen alshabaana sidoo kale. U fiirsada waa halagamayashii maxkamadda raga galay Xisbul islaam iyo Alshabaab taasna ay keentay shakiga ay ka qabeen Madaxweynaha, Hogaamiyeyaal aan laga samri Karin oo maxaakimta ka mid ahaana ay Haregeysa iska joogaan iyagoo labatan ku dhow, Ama ogaaw ama ha ogaan dadbaa maamulka ugu jira koley soconmeysee intaad ka qabsan kartid ka qabso.  Dadweynaha dhibta intaa la eg loo geysatay waxay ku weydinayaan goormaa dib u heshisin la sameeyey, goormaa la is cafiyey marka isku milankan aan dacada aheyn uu socdo oo weliba dalka ay ku soo qulqulayaan dadkii ka soo horjeeday in itoobiya lala dagaalo, in lagu banaan baxo, walee waa hadaanoo ayba wasiiro yihiin kuna jiraan baarlamanka.

Dadweynow lasocda qeybaha soo socda oo aan ku soo sheegi doono  kalkaaliyeyashii cadawga jagooyinka ay hayeen hadana hayaan,  wixii talo ah fadlan ii soo qora waa dantiina waa danteena waa wanaaga soomaliga  mustaqbalka.

TOWFIIQDA ALLAH NA TUSO.

 

 

 

 

 

Axmed maxamed jimcale.
Emeil: Calankeygo_cawaale@yahoo.co.uk



User Comments

Post Your Comments
All comments are from visitors, not from Somalikudhan.com

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)

Warar Kale
Maqaallada
Arimaha Diinta
Ganacsiga
Cayaaraha
Caafimaadka
Copyright (c) 2009 - Somalikudhan.com