Calaamadaha Qiyaamaha maxaa kamid ah? mala lajoogaa mise waa wali xilligii calaamadahaas la arki lahaa ?
Posted at: 9/10/2009 5:09:00 A
Waxaa wehliya Gabay Jiifto ah oo uu marinayo Ahmed Abshir Dhoore (Daljir) oo naftiisa weydiimo hor dhigaya.
Cllaahi Ibn Cabaas (RC) waxaa uu yiri in Nabi Muxammad markii uu dhameystey xajkiisii ugu dambeeyey oo ku beegneyd sanaddii 10aad ee Hijriyada uu hor istaagey iridda laga galo kacbada barakeysan, isago gacanta ku haya qufulka iridaasi, isla markaana ku dhahaya asxaabta ' MA IDIN SHEEGAA ASTAAMAHA MAALINTA QIYAAMAHA LAGU GARTO?



Salmaan Faarisi oo ka mid ah ahaa asxaabta isla markaana taagnaa meel u dhow nabiga CSW, ayaa yiri ' Haa Yaa Rasuulu Allah CSW inoo sheeg'


Rasuulka ayaa markaa yiri ' Xaqiiqo ahaan, astaamaha lagu garto inay soo dhowaatey saacadda waxaa ka mid ah 1) in dadku ay salaadda dhayalsadaan
2) Dadku waxay u hogaansami doonaan hawadooda ama shahwaadkooda. 
(3) Waxay ku dadaali doonaan inay naftooda uun u roonaadaan, waxayna aad u xishmeyn doonaan dadka maalqabeenka ah.
4) waxay iibsan doonaan diintooda iyagoo ku bedelanaya aduunyo
5) Waqtigaasi la joogo ruuxa iyo qalbiga muminka ah waxay noqon doonaan kuwo murugo darteed u milma, soda milixda ama cudbada ay ugu milanto biyaha, waayo Mu'minku waxaa uu arki doonaa waxyaabo la xaaraantinimeeyey oo lagu dhaqmayo, mana awoodo inuu wax ka bedelo.


Salmaan ayaa markaa yiri waxaasi ma dhici doonaan , Yaa Rasuulu Allah CSW?


Rasuulka CSW ayaa yiri, haa waxaan ku dhaaranayaa Rabiga nafteyda ay gacantiisa ku jirto, isagoo raaciyey
6) Waqtigaasi kuwa xukunka haya waa kuwo dhaalimiin ah
7) Wasiiraduna waxay noqon doonaa kuwo caasiyaal ah 
8) Kuwa xilalka loo dhiibana ee amaanada lagu maaniye waxay noqon doonaan kuwo wax khiyaameeya
9) Xaqiiqdii watigaasi xumaanta waxaa loo arki doonaa wanaag, wanaagana waxaa loo arki doonaa xumaan
10) Kuwa wax khiyaana waxaa loo arki doonaa kuwo aamin ah, kuwa aaminka ahna waxaa loo arki doonaa iney waxa khiyaameeyaan. Kan beenta sheegana waa la aamini doonaa, halka kan runta sheegayaa loo arki doono inuu beenaale yahay
11) Waqtigaas waxaa kale oo jiri doonaa maamulo ay haween ka taliyaan.


12) Khiyaanada ama in wax la is daba mariyo waxaa loo arki doonaa ilbaxnimo
13) sakada bixinteeda waxaa loo arki doonaa sida iyado qofka lagu soo rogey inuu bixiyo ganaax, hantida ummaduna waxay noqon doontaa sida hanti u ruux si gaar ah u leeyahay.
14) Ruuxa waxaa uu kibir kula dhaqmayaa waalidkiisa,, waxaana uu si wanaagsan ula dhaqmayaa saaxibadiisa
15) Xiligaasi waxaa la arki doonaa xidigo gadaal ka jiidan (comets).
 
Salmaan ayaa markaa yiri waxaasi ma dhici doonaan , Yaa Rasuulu Allah CSW? 
 
Rasuulka CSW ayaa yiri, haa waxaan ku dhaaranayaa Rabiga nafteyda ay gacantiisa ku jirto, isagoo raaciyey
' Salmaanow 
 
16) Waqtigaasi haweenka waxay ganacsiga kula shirkoobi doonaan raggooda 
17) Roobka di i' doona waxaa uu noqon doona mid kuleyl wata.
 
18)Dadka wanaagsani waxay noqon doonaan kuwo murugeysan, maaskiintuna waxay noqon kuwo aan la xishmeyn, waxaana jiri doona oo kale suuqyo isku dhow, waxaana ganacsatadaa sida aadka ugu dhow uu mid kasta oran doonaa, anigu waxba maan iibin, kan kalena wuxuu oran anigu wax faa ido ah maan helin. Sidaa darteed ma wayn doontid qof IIlaah u cabanaya Subxaanahu watacaalaa.


Salmaanow
 
19) Waxaa dhici doonta in dadku hadii ay ka hadlaan arrimaha dadka talada haya, waxay la kulmi doonaan dil, hadii ay aamusaanna, waxaa khasab lagaga qaadi hantidooda, wax xushamd ah lama siin doono, dhiigooda ayaa la daadin, dadkana quluubtooda waxaa ka buuxsami cabsi, mana arki doontid ruux, ilaa ruuxaasi uu noqdaa mooyee, mid aad u baqaya, isla markaana la argagax geliyey.

20) Shaki la'aan Salmaanow, waxaa jiri doona waxyaabo laga keeni doono Bariga iyo kuwo laga keeni doono galbeedka, waxaana halkaa ku ba'ay kuwa iimaankoodu uu laciifka yahaya ee ummadeyda ka tirsan. Dadku waxay noqon doonaa kuwo aan isku naxariisan oo aan is cafin. Jirkooda waa jir bani aadam, laakiin quluubtooda waxaya noqon quluub sheydaan.

Salmaanow
21) Waqtigaasi ragga waxay haysan doonaan rag kale, haweenkuna waxaya sidoo kale haweysan doonaan haween kale.
22) Wiilsha yaryarka ahna waxaa loo isticmaali doonaa sida haweenka oo kale.
23) Raggu waxay isku ekeysiin doonaan haween, haweenkuna waxay isku ekeysiin rag.
24) Waxayn taasi horseedi doontaa inuu AIlaah naclado haweenka ummadeyda ka tirsan.


25) Masaajidada waxaa lagu xardhi doonaa Dahab walaa xoowle walaa quwatu ilaa bilaah. si la mid ah sida loo xardho kaniisadaha iyo goobaha ay ku cibaadeystaan Yuhuudda.
 
26) Qur'aanka waxaa lagu xardhi doonaa nakhshado iyo midabo ku soo jiidanaya walaa xoowlaa walaa quwatu ilaa bilaah.
 
27) Minaaradaha masaajidd aa waxay noqon kuwo aad u dheer, safafka dadka salaada ku jira waxaya noqon kuwo badan, laakiin dadkaasi quluubtooda iskuma fiicna, hadaladooduna waa kuwo is khilaafsan.


28) Waqtigaasi raggu waxay isticmaali doonaan dahabka oo ay xarago ahaan u xiran doonaan, waxaya kaloo xiran doonaan xariirta, isla markaan waxa kale oo ay isticmaali doonaan haragga shabeelka.


29) Waqtigaasi waxaa jiri doonta ribo, dadkuna waxay sameyn doonaan ganacsi , iyagoo isku eedeynaya laaluush.
 
30) Dadku diinta ayay dhulka dhigi doonaan, dunidana kor baa loo qaadi doonaa,.
 
31) Waqtigaasi waxaa badan doona furiinka ragga iyo haweenka.
32) Xuquuqaha Rabbina uukuleeyahay adoomadiisana waxay noqon doonaan kuwo aan la dhowrin.


 33) Laakiin taasii mid Allah Subxaanahu Watacaalaa wax u dhimeysa ma aha
34) Waxaa soo bixi doona haween heesa iyo aalado music ah.
35)Kuwa ugu xunna waxay u talin doonaa ummadeyda


36) Waqtigaasi dadka maalqabeenka ah ee ka tirsan ummadeyda waxay xijka u tegi doonaan sida iyagoo booqsaho ama socdaal cadi ah ku jira, iyagoo ay weheliyaan ganacsato meel dhexaad ah, masaakiintuna waxay u tegi doonaan is tustus.
 
37) Waxaa soo bixi doona dad baran doona quraanka kariimka ah, base  ujeedkooda ma ahan Allah dartii, waxayna quraanka ka dhigan doonaan sida aalad music ah.


38) Waxaa kale oo jiri doona dad diinta baran doona , oo iyaguna aan Allah dartii sidaa u sameyneyn. 
 
39) Waxaa badan doona tirada carruurta aan sida sharciga ah ku dhalan, dadkuna waxay isku qaadi doonaan weeraro, adduunyo ceyrsasho awgeed.


40) Salmaanow!  Waxaani oo idil waxay dhaci doonaan, mar xishmadii ay suushey, dunuub badanna la geli doono, dadka xun xun ay u talinayaan amaba ay korka ka heystaan kuwa wanaagsan.


41) Beenta ayaa faafi doonta, waxaana dhici doona cay iyo doodo hadalo la isku dhaafsado, miskiinnimada yaa iyana baahi doonta.


42. Dadku waxay isugu faani doonaan lebbiskooda.
 
43) Waxaa di'i doona roobab aan watigooda la gaarin.
 
44)Dadku waxay waqtigaasi cayaari doonaan khamaar iyo musik. 
 
(45) Ma jecleysan doonaan dadku inay wanaagga is faraan, xumaantan iska reebaan.

46) Qofka Mu'mika ah xishamadiisa waxay noqon mid aad u hooseysa marka la barbardhigo xitaa dadka ka shaqeeya guryaha.
 
 
axmad abshir dhoore axmad daljiir
      jiifto magaceeda  La yiraa
            naf teeydaay

nafteeyday ma nabadbaa
waxdhnbaad naruuriyo
nolol raaxa badaniyo
neecaaw da dunidaan
kuneef neef saneeysee
noolaha dhamaantii
alahii naf    geliyaa
loo noqon dhankiisoo
naarbaa qaxeeysee
camal looga nabad galo 
nafteeydaay maheeysaa
mase wad nusqaantoo
naxligii aduunkaad
nolol fiican moodaa
markahore nafteeydaay
midabkaada nuuraa
hoosbuu u noqonoo
hadaad waayo nooshahay
aqli waxad la nuuc noqon 
ilmo naaska nuugee
malagyada nafaha jara
iga noqo mayeelaan
qabribeey nafteeyday
noloshaada hore tahay
nafaqada qabriga taal
labo uun midbeey noqon
naruuriye wanaaguu
nebi mohamed ina baray (scw
nin udhega nuglaayoo
nacam yiri warkiisii
ama ruux ka naafaa 
tiintiisa nuurkaa
rabiyoow i noolee
diinteeyda nabadaa
adoonkii udhega nugul
ayuunbaa nasanayee
raboow naar haiidhigin
rabiyoow nafteeydiyo
noolaha islaamkaa
ka najee dhamaantood
naf aduun ma heeynee
roow nolosha aaqiro
janadaada nuurkaa
nagayeel kuwiigala
aamiin yaarabi aamiin
 
Waxaa nasoo gaarisiiyey Abwaan Ahmed Abshir Dhoore (Daljir).


User Comments

asc walaal aad iyo aad ayaa u mahad san tihiin waana ka faa ii deesanay
Posted by abdirahman on 4/22/2010 7:04:10 AM
asalaamu aleykum wr wbr salaan kadib run ahaantii waxaan halkaan uga mahad celinayaa bahda webka somalikudhan.com oo noo soo bandhigtay barnaamijkaan diiniga ah ee aadka u qiimaha badan aana filayo inuu qeyb weyn ka qaadan dooono xasuuusinta muslimiinta soomaaliyeed iyo kuwa aqrista luuqada somaliga ah ba xaaladaha aynu ku suganahay ee dhamaadka ah run ahaantii qofkii caqli u saaxiib ah waxa ay arintaani ku abuureeysaaa ama ku boorineysaa in lajoogo waqti gebo gebo ah loona baahanyahay in laga digtoonaado fidnayaalka uu wato samanka aan hada kujirno intaa kadib waxaan ku boorinayaaa bahda warbaahinta www.somalikudhan.com iney noo kordhiyaan barnaamijyada nuucaan ah si aaan ula socono meesha aan mareyno iyo xaalada aan ku suganahay waana mahadsantihiiin wabilaahi towfiiiiiq wasalaamu caleykum wr wb
Posted by abshir abdi on 11/6/2009 5:17:31 AM
walaalayaal waan idin salamay salaan kabacdi waad kumahadsan tihiin qoraalkaan faaiidada leh oo aad noo soo diyaariseen waana idinku mahad naqayaa ka abshir ahaantayda walaalayaal waxaan rabi lahaa ama aan jeclaanlahaa in aad idinku booriyo inad sii wadaan qoraalada noocaan ah oo aydaan ka daalin mideeda kale waxaan sii jeclaan lahaa in aaad qoraalada noocaan oo kale ah aad emailkayga iigu soo dirtaan hadaad awoodi karaysaan MAHADSANIDIN !!!!!!.
Posted by abshir kayse on 11/3/2009 10:52:02 PM
Post Your Comments
All comments are from visitors, not from Somalikudhan.com

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)

Warar Kale
Maqaallada
Arimaha Diinta
Ganacsiga
Cayaaraha
Caafimaadka
Copyright (c) 2009 - Somalikudhan.com