Kenya: Arday wax ka barata Dugsiga Sare ee Kenya oo laga helay hargabka doofaarka
Posted at: 9/18/2009 2:30:00 P
25 arday oo wax ka barata dugsiga sare ee Kenya kaasi oo ku yaala magaalada Nayroobi ee caasimada dalka Kenya ayaa waxaa laga helay hargabka doofaarka kaddib markii baaritaan lagu sameeyey, taasi oo ka dhigaysa tirada dadka qaba hargabka doofaarka ee ku sugan dalka Kenya inay gaarto 159 ruux.

 

Waalidiinta ardaydan wax ka barata dugsigaas iyo dad kale oo doonayay inay booqdaan dugsigaasi ayaa loo diiday iyada oo dugsigaasina uu muddo 10 maalmood ah aanan la booqan Karin.

 

Wasiirka caafimaadka dowladda Kenya ayaa maalintii arbacada xaqiijiyey in ardaydaasi ay qabaan cudurka hargabka doofaarka. Ardayda cudurka laga helay ayaa u badnaa kuwo dhiganaya fasalada koowaad iyo kuwa labaad ee dugsiga sare ee Kenya iyadoo haatan la dabiibayaa iyada oo lagu amray inay ku jiraan cusbitaalka inta laga daawaynayo.

 

Boqol wadan ayaa la xaqiijiyay in laga helay cudurka hargabka iyadoo tirade dadka qaba hargabka doofaarka ay xaqiijisay hay’adda Caafimaadka aduunka WHO ay gaaryaan 3,205 ruux.

 

Wararka Caafimaadka Somalikudhan

Nairobi Kenya

 



User Comments

Post Your Comments
All comments are from visitors, not from Somalikudhan.com

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)

Warar Kale
Maqaallada
Arimaha Diinta
Ganacsiga
Cayaaraha
Caafimaadka
Copyright (c) 2009 - Somalikudhan.com