Somalia: cudurka dhiikarka oo ku sii kordhaya magaalada Muqdisho
Posted at: 9/25/2009 8:47:00 A
Daraasad ay sameeyeen dhaqaatiirta caafimaadka ee ka hawgala jaamacada caafimaadka ee Banaadir ayaa sheegaysa in sanadadaan dambe in dadka ku nool magaalada Muqdisho lagu arkay koror xaga dhiikarka ah.

 

Dr. Maxamed Maxamuud Xasan oo u waramayay idaacada BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in sababta ay daraasada  ugu sameeyeen cudurka dhiikarta inay tahay in bukaanada la seexiyo cusbitaalada magaalada Muqdisho ay intooda badan qabaan cudurkaan.

 

Dr. Maxamed ayaa sheegay in Jaamacada Banaadir ay go’aansatay inay baarto sababaha dhaliyay in cudurkaan uu si aad ah usoo baato xiligaan adage e lagu jiro, wuxuuna intaasi ku daray inay daarasad ku sameeyeen 200 oo ruux oo 100 haween iyo 100 rag ah isugu jira.

 

Dr. Maxamed ayaa sheegay in sababta cudurkaan dhalisay ay tahay dagaalada sokeeye oo sii badanaya iyo shaqo la’aanta xoogan ee ka jira magaalada Muqdisho, sidoo kale wuxuu sheegay in cudurkaan uu ku badanyahay raga iyadoo sidoo kale uu sheegay in xiligaan oo xataa dhalinyaro badan uu ku dhacay. Daraasadaan ayaa waxaa laga sameeyey magaalada Muqdisho oo kaliya.

 

Wararka Caafimaadka Somalikudhan

Nairobi Kenya

 



User Comments

Post Your Comments
All comments are from visitors, not from Somalikudhan.com

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)

Warar Kale
Maqaallada
Arimaha Diinta
Ganacsiga
Cayaaraha
Caafimaadka
Copyright (c) 2009 - Somalikudhan.com